Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Arjen Robben: ‘Waxaan doonayay inaan ku biiro Manchester United ka hor Chelsea.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich Arjen Robben ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ku biiro Manchester United ka hor inta uusan u wareegin Chelsea 2004tii.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee PSV Eindhoven ayaa la kulmay tababaraha United Sir Alex Ferguson, waxa ayna ku wada casheeyeen magaalada Manchester, kaliya waxaa harsanaa inuu ku biiro UTD,balse Jose Mourinho oo ku sugnaa xiligaa Stamford Bridge ayaa ka afdhuubtay Robben in ku biirto Man United.

Robben ayaa ku guuleystay labo horyaal oo Premier League ah, FA Cup iyo labo League Cup seddex sano oo uu joogay Chelsea, ka hor inta uusan mid ka mid noqon xiddigaha ugu fiican adduunka wuxuu u wareegay Real Madrid iyo Bayern uu hada ku suganyahay.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigii hore ee reer Netherlands ayaa xaqiijiyay inuu u saxiixi lahaa United oo uu heshiis qandaraas ah siina lahaa ka hor inta ayna waxbadan fashilmin.

“Waan ku faraxsanahay inaan Ferguson igala soo hadlay PSV, waxaana ka hadlayaa kubada cagta iyo nolosha, waxaan sidoo kale tagay oo si wanaagsan u eegay garoonka tababarka, wax walbana waa ayfiicnaa, laakiin ka dib markii aan ku laabtay PSV waxba ma dhicin, “Robben ayaa u sheegay FourFourTwo hadalkaan.

PSV ayaa sidoo kale la xaajooneysa Chelsea xilligaas, maadaama ay PSV ka bixisay lacag badan, ma aqaano, waxaan la hadlay Chelsea, waana jeclahay qorshahooda.

“Waxaan laheyn hal kulan, wax walba si dhaqso ah ayaa looga laabtay , Manchester United waxay ii soo bandhigtay qandaraas sax ah ka dib markii aan la kulmay, waan ku soo saxiixi lahaa, laakiin ma aysan dhicin, mana aanan haysan wax aan ka xumahay middaa.

Robben ayaa Bayern ka tagaya 10 sano ka dib xilli ciyaareedkan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • cag1
Back to top button