Breaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Manchester City Oo Laga Yaabo Inay Laga Mamnuucaan Champions League.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ganaax uga maqnaaneyso Champions League haddii lagu helo inay ku xad gudubtay sharciyada UEFA ee Financial Fair Play.
Xiriirka kubada cagta yurub ayaa dib u eegaya baaritaankii hore ee kooxda ka dib markii ay sheegtay in ay maamulaan qandaraasyo si ay u ugu badbaadaan  sharciyada kharashka badan.

Manchester City ayaa lagu ganaaxay 49 milyan ginni, ka dib markii ay xayiraad ku soo rogeen ciyaartoydooda Yurub, bedelka iyo mushaarkooda, ka dib markii lagu helay dambiga FFP ee 2014.

Si kastaba ha ahaatee, The Mirror ayaa warineysa in kooxda UEFA ay dooneyso inay ganaax ku soo rogto Champions League hadii City ay mar kale maxkamad la soo taagto.

Saraakiisha ayaa dareensan in ganaaxa uusan saameyn weyn ku yeelan doonin City sababtoo ah kheyraadkooda weyn iyo in ciqaabta kaliya ee dhaawici karta naadiga uu noqon doono ka saaritaan ku meel gaar ah tartanka kooxaha ugu waa weyn Yurub.

Kooxda Pep Guardiola ayaa durbadiiba xajisay booska 16-aad ee tartankan xilli ciyaareedkan, laakiin waligood kama waligood magaarin  semi-finalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button