Unai Emery oo doonaya inuu iska iibiyo Mesut Ozil bishaan
Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu iska iibiyo Mesut Ozil ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Ozil ayaanan u soo muuqan Arsenal kulankii Premier League tan iyo kulamada Boxing Day, waxaana laga reebay ciyaartii sabtida ay la ciyaareen West Ham United, inkastoo uu diyaar u ahaa kulankaa.
wiilka reer Jarmalka ayaa qandaraas cusub u saxiixay wuxuu ku qaadanaaya 350 kun ginni isbuucii isagoo Gunners u saxiixay hishiiska sannadkii hore, heshiiska uu kula joogo kooxda ka dhisan Emirates Stadium wuxuu socon doonaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2020ka.
Ozil ayaa u muuqda mid ku haboon qaab ciyaareedkiisa Emery, laakiin sida laga soo xigtay jariiradda Daily Mail, tababaraha cusub ee Arsenal ayaa doonaya inay kooxdiisu raadiso bedelkiisa ka hor dhamaadka bishaan.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintan ayaa sheegtay in Gunners ay weli xiiso u qabto Ozil.
30 jirkaan ayaa dhaliyay 41 gool, waxaana uu diiwaangashaday 73 caawin 212 kulan oo uu u saftay Arsenal tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda ka dhisan London .asiga oo ka yimid Real Madrid sannadkii 2013.