Breaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGASerie ASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

David Luiz wuxuu doonayaa inuu sii joogo Chelsea

Wakiilka David Luiz ayaa shaaca ka qaaday in daafaca Chelsea inuu doonayo inuu sii joogo Stamford Bridge dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Warar horey u soo baxay bishaan ayaa sheegaya in Blues ay dooneyso inay iska iibiso Luiz iyo Gary Cahill oo qeyb ka ah isku shaandhaynta kooxda ay sameenayso xagaagan.

 

31 jirkaan ayaa qayb ka ahayn inta badna kooxda waayihii  Antonio Conte xilli ciyaareedkii hore, lakiin waxaa durbadiiba kalsooni ka helay  Maurizio Sarri 21 kulan oo Premier League ah ayuu ilaaya iminka ka soo muuqday.

 

Inkastoo Chelsea ay diiday inay qarash ku bixiso ciyaaryahano da’doodu ka weyn tahay 30 sanno, hadana hal sano oo qandaraas ah ayaa loo soo bandhigay , wakiilka Luiz Kia Joorabchian ayaa soo jeediyay in wadahadaladii heshiiska cusub ay iminka socdaan.

 

“Marka laga soo tago warbixinnada qaar waxaan ku jirnaa xaalad aad u xushmad leh Chelsea” ayuu Joorabchian u sheegay The Sun.

 

“Waxaan isku dayeynaa inaan heshiis la gaarno David Luiz, sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu sii joogo, tababaraha waxa uu doonayaa inuu joogo, islamarkaana koxoda guulo la gaaro xiligaan.

 

Benfica ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay dalab u dirto Luiz, kaasoo afar sanno ku soo qaatay kooxda reer Portugal ka hor inta uusan ku biirin Chelsea markii ugu horeysay 2011.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button