Barcelona oo ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqayso weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud ,waxa ay ka dhigaysaa bartilmaameedka ugu weyn ee ay raadineyso weeraryahan cusub.
Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa dooneysa inay xoojiso weerarkeeda , ka dib markii Munir El Haddadi uu ka tagay halka ay wali doonayaa bedelka Luis Suarez oo ah ciyaaryahanka keliya ee la aqoonsan yahay No:9 kooxda ,balse hada da’diisutahay 32 jir.
Lionel Messi ayaa sidoo kale ka ciyaari kara bartamaha, lakiin Ernesto Valverde ayaa doonaya inuu xoojiyo , Barca waxaa lala xiriirinayaa Cristian Stuani iyo ninka ay isku kooxda yihiin Giroud ee Alvaro Morata.
Wargeyska SPORT ee kasoo baxa Spain ayaa sheegaya in Giroud uu haatan u muuqday mid la yaab leh, iyadoo Barcelona ay fahansan tahay inay xiriir la sameysay wakiilka laacibka Faransiiska.
Qandaraaska Giroud ee Stamford Bridge ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan mana jirto waqti dheeri ah oo lagu heshiiyay, inkastoo Barca ay dooneyso inay hesho bishan.
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso Giroud ,ayadoo ku iibinayso aduun dhan 15 milyan euro oo u dhiganto (13.5 milyan oo ginni), lakiin waxa ay iska xaadirin doonaan mid ka mid ah weeraryahanadooda, iyadoo ay wararku sheegayaan inuu ku biirayo Morata laacibiinta baxaayo ,asiga oo ku laabanayo Spain.
Giroud ayaa Chelsea kaga soo biiray kooxda ka dhisan London ee Arsenal bishii Janaayo, waxaana uu dhaliyay 10 gool 42 kulan oo uu u saftay kooxda Chelsea.