Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Kane oo garoomada ka maqnaan doono ilaa iyo bishii Maarso iyada oo uu dhaawac ka soo gaaray canqowga

Tottenham ayaa weyn doonta  Harry Kane ugu yaraan 10 kulan ka dib markii la xaqiijiyay in kabtanka England uu dhaawac ka soo gaaray canqowga.
Kane ayaa dhaawac kasoo gaaray intii lagu jiray daqiiqadihii  ugu danbeeyay ee kulankii guuldarada 1-0 ee kala kulantay kooxdiisa  Manchester United ka,ayagoo ku ciyaaraayo Wembley axadii, ka dib markii lagu dhex tuuray bartamaha xerada ganaaxa,asiga oo raacsho badan kala kulmay  Phil Jones iyo Victor Lindelof.

Saadaaladii ugu horreysay ee shaqaalaha caafimaadka ee Tottenham ayaa soo jeediyay horraanta ilaaya Maarso in uu kane garoomad ka maqnaan doono.

dhaawaca soo gaaray  gooldhaliyaha Kane, oo 20 gool u dhaliyay xilli ciyaareedkan, ayaa u muuqda inay dhabarjab weyn ku tahay kooxda kaalinta 3aad ee Tottenham, iyadoo Mauricio Pochettino kooxdiisa haatan sagaal dhibcood ka danbeysa hogaamiyaasha horyaalka ee Liverpool.

War qoraal ah oo ka soo baxay website-ka kooxdiisa ayaa lagu yiri: “Ka dib qiimeyntii hordhaca ah, waxaan xaqiijin karnaa in Harry Kane uu dhaawac ka soo gaaray canqowga lugtiisa bidix, intii uu socday kulankii Manchester United.

 

“Weeraryahanka ayaa sii wadi doona in ay kormeeraan   shaqaalaheena caafimaadka inta uu ka helaayo baxnaaninta, waxaana la filayaa inuu ku soo laabto tababarka horaanta bishaa soo aadan.

Waa xilli ciyaareedkii seddaxaad oo xiriir ah oo Kane uu ka soo gaaray dhaawac canqowga ah, kii ugu dambeeyay ee uu ku maqnaa garoomada  labadii isbuuc ee lasoo dhaafay.

Kane ayaa haatanseegaya lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup kula ay kooxdiisa wajahayso   Chelsea, taasoo Spurs ku badisay lugtii hore 1-0  24ka January ayaa , sidoo kale lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee Borussia Dortmund. bisha soo aadan seegi doono.

Spurs ayaa sidoo kale ka maqnaan doono xiddigooda ugu yaraan lix kulan oo Premier League ah, oo ay ku jirto safarka Stamford Bridge 27ka Febraayo.

Kane ayaa sidoo kale u muuqda  in uu maqnaan doono kulanka ka dhacaya Waqooyiga London deriskooda Arsenal 2da March iyo kulankaan ay la ciyaarayaan Dortmund seddex maalmood ka dib.

Kane ayaa soo qooray warar la xiriira  dhaawiciisa ,asiga oo adeegsanaayo  Twitter-ka, wuxuuna yiri: “Dhaawacyada waa qeyb ka mid ah ciyaarta, lakiin cidna kuma adkaan doonto inuu dib ugu soo laabto.”

Maqnaanshaha dheer ee Kane ayaa sidoo kale dhaawici karta  Spurs olalaheeda ciyaaraha ee xili ciyaareedkaan.

 

Son Heung-min ayaa ka maqan xulkiisa qaranka South Korea tartanka Asian Cup, ayey kooxda heli kartaa ,halka Lucas Moura uu wali dhaawacanyahay , halka Fernando Llorente iyo Vincent Janssen ay labadoodaba ka tagayaan kooxda bishaan.

Kabtanka England,, ayaa laga yaabaa in uu garoomada ku soo laabtay kulan ka tirsan isrebrebka  tartanka Euro 2020 ,ayadoo xulkiisa ay wajahayaan  Czech Republic 22ka bisha Maarso.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button