Breaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGASerie ASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Manchester United oo kula biirtay Arsenal, Tottenham tartanka saxiixa Horyaalka Cengiz

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Cengiz oo Roma ka tirsan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ciyaartoyda qaab ciyaareedka fiican ku jira ayaa si fiican ugu dhex muuqda  Stadio Olimpico ,waxaa  lala xiriirinayo kooxo waa weyn oo ay ka mid yihiin Arsenal iyo Tottenham Hotspur oo ka dhisan Premier League.

Bayern Munich ayaa sidoo kale lala xiriirinayay xiisaha ay u qabaan laacibkaan  ESPN ayaa sheegeysa in United ay diyaar u tahay inay la tartanto kooxaha kale ee wada doonaya laacibka garabka ka ciyaaro.

Under ayaa la fahamsan yahay inuu u furan yahay fikradda ah inuu ka tago caasimada Talyaaniga, inkastoo Roma aysan u badnayn inay iska fasaxdo qandaraaskiisa haatan wuxuu dhacayaa  2022kii.

Kooxda ka dhisan Serie A ayaan la filayaa in laacibkaan lacag fiican ku hesho, laakiin waxaa lagu soo waramayaa inay tixgelin doonto dalabyada 50 milyan oo ginni ah iyo 44.3 milyan oo ginni ah xagaagan.

21 jirkaan heerka caalami ee dalka Turkiga ayaa Roma ku soo biiray 2017, tan iyo markaas wuxuu dhaliyay 14 gool 56 kulan oo uu u saftay kooxda tartamada oo dhan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button