Breaking NewsSportsTechnologyUncategorizedValenciaWARARKA MAANTA

Roma oo dooneysa inay la saxiixato xiddiga qadka dhexe ee Arsenal Mohamed Elneny?

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Mohamed Elneny ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxda bisha Janaayo.

Elneny ayaa seddex sanno ku qaatay garoonka Emirates Stadium – horaantii todobaadkan -waxaa soo baxay warar sheegaya in  xiddiga heerka caalami ee dalka Masar in uu kooxda ka tagaayo.

laacibkaan ayaa Arsenal ka soo muuqday 80 kulan tartamada oo dhan,balse wuxuu hada baahiyay in la joogo waqtigii uu bixi lahaa.

 

Si kastaba, 26 jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo dhamaadka bishaan, sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb, Roma ayaa u dhaqaaqday  in ay aad udoonayso saxiixa ciyaaryahankan.

Kooxda Talyaaniga ayaa haatan labo dhibcood ka danbeysa booska afaraad ee horyaalka Serie A, laakiin tababaraha Eusebio Di Francesco ayaa wali rajeynaya inuu wajiyo koox cusub helo  ka hor dhamaadka bishaan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Roma ay xiiseyneyso heshiis amaah ah oo ay ku iibsan karto xagaagan, inkastoo Arsenal ay dalbatay inay si joogta ah laacibkaan looga iibsado.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button