Breaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Anthony Martial oo heshiis cusub u saxiixaya Manchester United

Weeraryahan Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa inuu u ku dhowyahay  inuu qandaraas cusub u saxiixo Manchester United.

Martiala ayaa seddexdii sano iyo bar Old Trafford ku qaatay, wadar ahaan 50  gool ayuu dhaliyay 117 kulan oo u ciyaaray kooxda dhamaan tartamada.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa dhawaan u baahneyd inay qandaraas cusub oo 12 bilood ah ka saxiixato 23 sanno jirkaan si ay u fashilmaan wararka ah in u kooxda ka baxaayo.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Martial ayaa la sheegaya inuu diyaar u yahay inuu qandaraas cusub oo shan sanno ah u saxiixo kooxda ka dhisan Premier League ,asiga oo hada ka mid ah  line-upka kooxda uu hada maamulo  Ole Gunnar Solskjaer.

Ka tagistiisa Jose Mourinho ee kooxda ayaa sababtay in martial uu kooxda sii joogo,ayadoo uu hada boos joogta ah ka heesto kooxda UTD.

Martial waxa uu dalabyo ka helaya kooxo badan oo ka dhisan qaarada yurub,balse waxa la filayaa in kooxda uu sii joogo xili ciyaareedkaan.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button