Breaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Marko Arnautovic oo dhaawac ku seegaya kulanka kooxda Bournemouth

Marko Arnautovic ayaa laga saaray xulka kooxda  West Ham ciyaartii sabtida ee horyaalka Premier League ee kooxdiisa wajahayso Bournemouth.

29 jirkaan weerarka kaga  ciyaara ee Austria ayaa kooxda uggu fadhiya aduun dhan 35 milyan ginni waxaa la filayaa in uu ku biiro  koox ka dhisan dalka Shiinaha, waxa uu wakiilkiisa sheegay  inuu doonayo inuu kooxda ka  baxo.

West Ham, oo aan ka hadlin arinta  Arnautovic, ayaa hore u sheegtay in ciyaaryahanka uusan iib aheyn.

Tababare Manuel Pellegrini ayaa sheegay Khamiistii in Arnautovic uu bixi karo hadii uu rabo,Laakiin wuxuu hadalkiisa raaciyay waa macquul in ay wax isbedalaan waa inuu joogayaa, ciyaaryahanka waa uu joogi doonaa, ma doonayaan kooxda  in ay iibiso Marko Arnautovic.”

Arnautovic, oo dhaliyay 7 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, ayaa West Ham u ciyaaray kuankii  Arsenal sabtida, lakiin waxa uu bedel ku baxay ciyaarta oo dhiman 20 daqiiqo,asiga oo la arkaayay in uu ka xanaqay bedelka.

 

Waxa uu u dhaqaaqay London Stadium asiga oo ka soo tagay Stoke sanadkii 2017, ka dib markii ay kooxda ku soo qaadatay lacag rikoo ah oo gaaraysa   20 milyan ginni ka dib markii uu codsi u gudbiyay Potters. Wuxuu qandaraas kula jiraa Hammers u ku egyahay  2022.

Wilshere oo diyaar u ah kulanka Febraayo

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee jimcihii, Pellegrini ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jack Wilshere uu kusoo laaban doono kooxda bisha soo socota.

Waxaa jiray cabsi ah in ciyaaryahankii hore ee xulka England uu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka sababtoo ah dhibaato canqowga ah uu ka qabo.

Wilshere oo 27 jir ah ayaa seegay 11 kulan ka hor Diseembar ka dib markii uu qalliin yar oo canqawga ah ku maqnaa. Waxa uu bedel ku soo galay kulankii Newcastle 1dii December, ka dib markii uu xanuun ku dhacay canqowgiisa midig, tan iyo markii lansasiiyay.

“Waxa uu sii socdaa lix todobaad oo nasasho ah” ayuu yiri Pellegrini.

 

“Waxa uu ku jiraa daaweyn waxaanan rajeynayaa in todobaadka soo socda laga yaabo in uu bilaabi karo in uu wax ka qabanayo treadmill.

“Waxa uu diyaar noqon doonaa bilowgii Febraayo.”

Dhanka kale, Grady Diangana – ciyaaryahanka khadka dhexe ee Hammers – ayaa saxiixay heshiis cusub ilaa 2025.

20 jirkaan ayaa 15 kulan u saftay kooxda waxaana uu raacay wadada daafaca Declan Rice isagana  mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ogaado mustaqbalkeyga halkaan ku faraxsanahay inaan isku muujiyo dunida iyo taageerayaasha garoonka London Stadium wixii aan sameyn karo,” ayuu yiri.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • 7
Back to top button