Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Marouane Fellaini oo garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Marouane Fellaini ayaa garoomada dhaawac uga maqnaan doona seddex ama afar isbuuc, sida uu sheegay tababaraha ku meel gaarka ah ee kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer.

Ciyaaryahanka reer Belgium – oo 31 daqiiqo ciyaaray lix kulan oo uu kooxda maamulayo  Solskjaer – ayaa dhaawac ka soo gaaray tababarka.

Si kastaba ha ahaatee, Alexis Sanchez ayay u badan tahay inuu taam u noqon doono kulanka Sabtida ay wajahayaan Brighton garoonka Old Trafford ka dib markii uu seegay kulankii Tottenham ee isbuucii hore.

“Waa murugo,” ayuu Solskjaer ka yiri dhaawaca Fellaini.

“Waxaa jira qodobo xiiso leh ciyaartoyda kala duwan, dhamaanteen waa kuwa inoo muhiim ah, waana uu ku dadaali doonaa inuu dib ugu soo laabto.”

Solskjaer ayaa sidoo kale sheegay in labo ciyaaryahan oo kooxda ka mid ah ay rajeenayaan dib u soo laabasho  xilli ciyaareedkan.

“Chris (Smalling) iyo Marcos (Rojo) ayaa bilaabay inay si fudud u tababartaan  ayuu yiri.

“Alexis ayaa tababarka isbuucaan qaatay, sidaasi darteed waxaan rajeynayaa inuu diyaar noqon doono, Felli ayaana maqnaan doono waqti fog waxaana uu maqnaan doonaa dhowr isbuuc.”

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button