Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir oo kulan lagu derdergelinayo qorsha Howleedka Isboortiga sanadka 2019 ku qabtay xarunta degmada Warta Nabadda.

Maamulka isboortiga Gobolka Banaadir oo ka duulaya qorsha Howleedkiisa horumarinta Isboortiga sanadkan cusub 2019 ayaa kulan looga hadlayo darderglinta iyo sare u qaadida dhacdooyinka Isboortiga gobolka banaadir ku qabtay Xarunta Degmada Warta Nabadda, waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada degmada Warta Nabadda, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda gacanta, Guddoonka Isboortiga Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaasha Isboortiga Deg/Gobolka Banaadir, waxaana kulanka daah furay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha bulshada degmada Warta nabadda C/shakuur Xersi dhiblaawe kaasoo sheegay in ay ka degmo ahaan aad ugu faraxsan yihiin in ay kulankan marti geliyaan.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay howlihi u qabsoomay isboortiga gobolka labadii bil ee lasoo dhaafay waxaa intaa kadib falanqeyn dheer laysla gartay in sanadkan dhacdooyinka isboortiga sare loo qaado tayo ahaan iyo tiro ahaan , tartanka ugu horeeya ee ay degmooyinka u diyaar garoobayaana uu noqdo tartanka kubadda Gacanta.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Gacanta Mudane Maxamed Xuurshe Xasan ( Eenoow) oo goobta ka hadlay ayaa ugu horayn maamulka Gobolka iyo howl-wadeenada isboortiga uga mahad celiyay sida ay uga go’an tahay in ay u soo saaran jiil mustaqbal wanaagsan ku yeesha isboortiga dalka heer qaran.

Dhanka kale Guddoomiye Eenoow waxuu intaa ku daray in ka xiriir ahaan ay diyaar u yihiin in ay degmooyinka ka taageeraan sare u qaadida aqoonta kubadda gacanta heer macallin, farsamo iyo heer garsoor.

Howl-wadeenada Isboortiga ayaa dhankooda ku amaanay xiriirka kubadad gacanta garab-istaaga degmooyinka, waxayna dhanka kale ka dhawaajiyeen in ay diyaar u yihiin in u diyargaroobaan qabashada iyo ka qayb galka dhacdooyinka isboortiga guud ahaan.

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Mudane Xasan Wiish oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in hadafka maamulka Gobolka, Xafiiska Arrimaha Bulshada iyo wacyigelinta iyo kan isboortiga uusan ahayn qabashada ciyaaro kaliya, balse ay tahay in sare loo qaado sumcadda iyo muuqaalka caasimadda dalka ee Muqddisho, waxuuna tusaale usoo qaatay ciyaarihii la qabtay ee heer habeen fiinaalkooda la ciyaaray ay wax badan ka badaleen aragtidii ay caalamka ka qabeen caasimadda dalka, waxuuna tilmaamay in howl-wadeenada isboortiga ay yihiin laf-dhabarka guusha ay caasimadda dalka gaartay.

Guddoomiye Wiish ayaa dhanka kale tilmaamay ka maamul ahaan ay sanadkan qorsheynayaan qabashada dhacdooyin ciyaaro oo ka badan kuwii horay loo qaban jiray si ay fursado u helaan dhallinyarda tayadoodu sareyso ee buslahda ku dhex qarsoon, sidoo kalena ay qaban doonaan tababaro iyo koorsooyin isugu jira, maamulka iyo maaraynta, qorsheynta, tayaynta macallimiinta , abaabulka dhacdooyinka cayaaraha iyo hanaanka suuqa gaynta.
Gunaanadkii waxaa howl-wadeenada isboortiga loo qaybiyay kubaddo lagu ciyaaro ciyaarta kubadda Gacanta taasoo oo ay ugu talo galeen Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda gacanta si ay ugu isticmaalaan diyaargarowga ay u galayaan cayaaraha kubadad gacanta degmooyinka 2019.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button