Breaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGATechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Trent Alexander-Arnold  oo ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa 

Trent Alexander-Arnold ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub oo shan sanno ah u saxiixo kooxdiisa Liverpool,wuxu hishiiska socon doonaa  ilaa 2024ka.

Wadahadaladu weli lama dhameystirin, laakiin waxay ku jiraan marxalad heer sare ah, qandaraas cusub waa in lagu dhawaaqaa maalmaha soo socda.

Waxa ay ka tarjumaysaa 20-jirkan horumarka la yaabka uu kooxda ka sameeyay  tan iyo markii uu qandaraaskiisii ugu horeeyay kooxsa la galay 2017.

Waxa uu naftiisa u doortay inuu noqdo daafaca dambeedka midig ee Liverpool, islamarkaan ka mid noqdo ulka England, waxaana uu ka ciyaaray Koobka Adduunka.

Heshiiska ayaa waxaa ku wehliya daafaca dambeedka bidix Andrew Robertson kaasoo saxiixay heshiis shan sanno ah oo uu kula sii joogayo kooxda heysata horyaalka Premier League Isbuucii lasoo dhaafay.

Horaantii Isbuucaan, waxaa lagu dhawaaqay Alexander-Arnold waxaana la rajeynayaa inuu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan labo isbuuc ka dib dhaawac jilibka ah ka soo gaaray ka, dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii sabtida ee ay 1-0 kaga badiyeen Brighton.

Looma baahna qalliin laakiin waxaa lagu wadaa inuu seego kulamada gurigooda oo ay kula cciyaarayaan Crystal Palace iyo Leicester City.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button