Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Arsenal oo dooneysa inay lasoo saxiixato Hirving Lozano

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka kooxda PSV Eindhoven Hirving Lozano.

Lozano, oo si wacan ugu ciyaaray Mexico  Koobka Aduunka 2018, ayaa dhaliyay 15 gool waxaana uu diiwaangashaday sagaal gool caawin ah 27 kulan oo uu u saftay PSV xilli ciyaareedkan.

Kooxo dhowr ah oo Premier League ah ayaa lala xiriirinayay 23 jirkaan, laakiin sida laga soo xigtay TMW, Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay dalab u dirto weeraryahankaan.

Gunners ayaan u badneyn inay u dhaqaaqdo Lozano bishaan, ayadoo sidoo kale ka cararayso dhaqaalo xume, laakiin warbixintaan ayaa sheegtay in kooxda ka dhisan caasimada England ay isku diyaarineyso inay dalab ay dirayso uu noqdo 27 milyan ginni xagaaga.

Napoli ayaa sidoo kale lagu soo waramayay inay xiiseyneyso ciyaaryahankan soo laabtay shabaqa 11 jeer 17 kulan oo uu u saftay Eredivisie xilli ciyaareedkan 2018-19.

Lozano waxa uu qandaraas ka uu kula jiraa PSV ku egyahay ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2022-23.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button