Breaking NewsHORYAALADATechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

DAAWO: Tottenham Hotspur oo guul xili dambe ah ka gaartay kooxda Fulham

Tottenham Hotspur uu ka maqnaa weeraryahankooda halista badan ayaa guul ciriir ah ka gaartay kooxda Fulha.

Tottenham Hotspur oo ciil xoogan qabta ayaa garoonka soo gashay,ayadoo kulankii hore guuldaro qaraar kala kulantay kooxda Man United.

kooxda Fulham ayaa heshay gool ciyaarta,ayadoo goolkaa uu iska dhaliyay weraryahanka ciyaaraayay booska Kane ee Fernando Llorente.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaaminayso kooxda Fulham.

Markii dib la iskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda Tottenham Hotspur waxaa daqiiqadii 51-aad goolka bareejada aha u dhaliyay Dele Alli.

ciyaarta oo dhamaad ah islamarkaan la maraayo ilbiriqsayadii ugu dambeesay kooxda Tottenham waxaa goolka guusha u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Harry Winks.

Ugu dambeentii ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay kooxda Totenhaam.

Guusha kooxda Totenham ay gaarta waxa ay ka dhigantahay in ay hada si nadiif ah ugu fadhiisatay kaalinta sedexaad ayadoo leh 51 dhibcood,waxa ay kaalinta labaad u jiraan waa shan dhibcood.

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button