Breaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Manchester United oo aan ka quusan saxiixa Eder Militao  

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay weli dooneyso daafaca FC Porto Eder Militao inkastoo ay jiraan warar xoogan oo sheegaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil uu durbaba ogolaaday inuu ku biiro Real Madrid.
Militao, oo mustaqbalkiisa xirfadiisa ku bilaabay Sao Paulo ka hor inta uusan u dhaqaaqin Porto bishii August 2018, ayaa lala xiriiriyay dhowr kooxood oo Yurub ah todobaadyadii la soo dhaafay.

Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay majaharaha u haysto saxiixa  21 jirkaan, waxaana dhawaan la soo wariyay in kooxda heysata horyaalnimada Yurub inay heshiis qandaraas ah kula saxiixaneyso daafaca dhexe kaas oo u dhaqaaqi doona Bernabeu dhamaadka xilli ciyaareedkan. .

Wakiilka Militao Giuliano Bertolucci ayaa sidoo kale sheegay in ciyaaryahankaan uu ku biiri karo kooxda reer Spain xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay jariirada Daily Mail, United ayaa wali ku jirta baadigoobka daafaca waxana ay la soo wareegi doontaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Militao ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 45 milyan oo ginni, laakiin qiyaastaas ayaa ah 70 milyan oo ginni ka dib markii horay loo soo dhaafay qiimaha beecii hore ee ahayd 15ka July.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button