AC MilanBreaking NewsHORYAALADAPremier LeagueSportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Mushaaraadka Chelsea ay siin doonto Gonzalo Higuain oo la shaaciyay.

Gonzalo Higuain ayaa lagu soo waramayaa inuu £ 270,000 ka qaadan doono todobaadkii hadii uu ku biiro Chelsea ,asiga oo amaah kaga imaanaya kooxda  Juventus.

Higuain ayaa haatan amaah ugu jooga AC Milan isagoo ka yimid Juventus, iyadoo 31 jirkaan uu dhaliyay sideed gool 22 kulan oo uu u saftay kooxda San Siro xilli ciyaareedkan 2018-19.

AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay u ogolaato Higuain in uu ku dhameysto amaahdiisa amaahda kooxda, si kastaba ha ahaatee,waxaa la shaaciyay in Milan ay  ku adagtahay inay bixiyaan mushaarkiisa.

Chelsea ayaa si aad ah loola xiriirinayay ciyaaryahanka reer Argentina todobaadyadii la soo dhaafay iyadoo Alvaro Morata uu isku diyaarinayo inuu ka tago Stamford Bridge kuna biiro kooxda Atletico Madrid.

Sida ay qortay Daily Star, Higuain ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Blues, weeraryahanka qibrada leh ayaa  270 kun ginni isbuucii qaadan doona, isagoo ka mid noqonaya   shanta ciyaaryahan ee ugu mushaarka badan Premier League.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Chelsea ay bixin doonto 9 milyan oo ginni xilli ciyaareedkan Higuain hadii ay ka helaan.

Higuain ayaa dhaliyey 300 gool intii uu kubada cagta ciyaarayay,waxa uu intaas u dhaliyay kooxihii uu u soo ciyaaray ee kala ah River Plate, Real Madrid iyo Napoli.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button