Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Real Madrid oo indhaha ku heysa Bernardo Silva  

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay aad ugu baahan tahay weeraryahanka Manchester City Bernardo Silva dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Silva ayaa City kaga soo biiray Monaco sannadkii 2017, waxaana xiddiga reer Portugal uu noqday ciyaaryahankii ugu muhimsanaa ee kooxda Pep Guardiola, isagoo dhaliyay 16 gool islamarkaana 18 gool kale  caawiyay 81 kulan tartamada oo dhan.

24 jirkaan ayaa weli heystaa seddex sanno iyo bar sanno ah oo hishiiskis ah wuxu sidoo kale heestaa sanadka kale oo dheeraad ah uu ku sii joogi karo Etihad Stadium.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Mirror, Real Madrid ayaa qirtay in kubadsameeyahan uu yahay saxiixii ugu fiicnaa xagaaga soo aadan ay aad u doonayso .

Kooxda reer Spain ayaa marayaysa heer aana fiicneen ayagoo u tartamaya Horyaalka , Copa del Rey iyo Champions League, laakiin haatan waxay todobo dhibcood ka hooseysaa Barcelona oo hogaanka horyaalka  La Liga haysa.

Silva ayaa dhaliyay todobo gool waxaana uu diiwaan gashaday toddobo gool 28 kulan oo uu u saftay City.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • UEFA
Back to top button