Man United oo dalab ugu dambeeyay ka gudbisay ciyaaryahan Neymar.
Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay jebiso rikoorka suuqa kala iibsiga iyadoo u dhaqaaqeysa weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar xagaaga soo aadan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
United ayaa mudnaanta siin doonta daafac dhexe oo cusub xagaaga, lakiin waxaa loo maleynayaa in weeraryahan cusub oo ay doonayso in ay ku xoojiso weerarkeeda.
Real Madrid ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso Neymar, laakiin sida laga soo xigtay Daily Record, United ayaa kula dagaalami doonta kooxda heysata Champions League saxiixa xiddiga reer Brazil dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Xaqiiqdii, warbixinta ayaa sheegtay in Red Devils ay diyaar u tahay inay saxiixa Naymar ku qarashgareyso lacag dhan £ 230m si uu weeraryahankii hore ee Barcelona uu ku yimaado Old Trafford.
Neymar, ayaa xalag seegay kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee kooxdiisa wajahday Manchester United, waxa uu dhaliyay 20 gool, 11 goolna uu kaalana wuu caawiyay 23 kulan oo uu u saftay PSG xilli ciyaareedkan.
27 jirkaan ayaa dhaliyay 105 gool 186 kulan oo uu u saftay Barcelona intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2017 ka hor inta uusan ;acag rikoorka adduunka ugu qaalisan ugu biirin PSG xagaaga 2017.
Xiddiga reer Brazil ayaa 48 gool u dhaliyay 53 kulan oo uu u saftay PSG tan iyo markii uu yimid, lakiin waxaa la soo jeediyay in weeraryahanku uusan ku qanacsaneyn Faransiiska bilihii lasoo dhaafay,waxaa la baahiyay in uu ciyaaryahankaan uu rabo in uu ku biiro koox kale.