Breaking NewsBundesligaHORYAALADASOOMAALIYASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Cayaatii Soomaaliya iyo Eritrea oo aan dhacay usbuucan.

Cayaar saaxiibtinimo oo lau waday in todobaadkan ay magaalada Muqdisho ku
dhex marto xulalka da’doodu ka yartahay 20-ka sano ee Soomaaliya iyo
Eritrea ayaa muddo kooban dib loo dhigay, sida lagu sheegay war
saxaafadeed kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta.

“Cayaarta waxaa horay loogu qorsheeyay in ay ka dhacdo garoonka FIFA dib u
dhiska kus ameysay ee Stadium Banaadir 16-17-ka bishan febraayo, laakin
waxaan hada xaqiijinayaa in cayaartaas sida weyn loo sugaayay dib loo
dhigay muddo aan badneyn”sidaasi waxaa war saxaafdeed uu soo saaray ku
sheegay agaasimaha xafiiska warfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya
Shaafici Muxuyadiin.

“Waxaan ka war sugeynaa xiriirka kubbadda cagta Eritrea si ay noogusoo
gudbiyaan taariikhda kale oo wafdigoodu magaalada muqdisho imaanayo”ayaa
lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay maanta xiriirka kubbadda Cagta
Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa agaasimaha warfaafinta Shaafici Muxuyadiin.

“Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyio dhigiisa Eritrea
labadaba way ka go’antahay in cayaartaasi ka qabsoonto magaalada Muqdisho,
waxaa socda diyaar garowgii ugu dambeeyay, dhawaana waxaan shaacin doonaa
xiliga kama dambeysta ah ee cayaartu dhici doonto”sidaasi waxaa mar kale
yiri agaasimaha warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed Shaafici Islaw.

Waxaa ay ahayd 2016-kii markii xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya
madaxdiisu ay sheegeen in ay doonayaan in mar kale ay Soomaaliya u furaan
marti gelinta cayaaraha caalamiga ah, waxaana hada masuuliyiinta xiriirka
Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in la gaaray waqtigii Soomaaliya ay
cayareheeda dalka gudihiisa ku qabsan lahayd.

“Eritrea waxaa la filayaa in ay noqoto dalka ugu horeeya ee Soomaaliya soo
gaara tan iyo 1988-kii laakin waxaa qorshaha xiriirka Soomaaliyeed ku
jirta in markaa kaddib casuumado loo fidiyo wadamo kale oo ku yaala
qaaradda Africa, sida lagu xusay war saxaafadeedka maanta kasoo baxay
xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • CECH
Back to top button