Breaking NewsHORYAALADASportsTAARIIKHUncategorizedWARARKA MAANTA

Ciyaartoyda Soomaaliya oo Billado dahab ah kasoo hooyay Tartan Caalami ah+Sawirro

Ciyaartoyda Soomaaliya oo Billado dahab ah kasoo hooyay Tartan Caalami ah

Ciyaartoyda Xulka qaranka Cayaaraha Fudud ayaa guul taariikhi ah kasoo hoyay tartan cayaaraha Fudud oo dalka Djibouti maanta lagu qabtay, waxayna kala soo hoyden laba biladood oo dahab ah iyo kaalimo kale oo wanaagsan.

Tartankan  cayaaraha Fudud ee Djibouti International Meeting oo da’yarta iyo waa weyn u qaybsanaa waxaa Soomaaliya u tartamayay 5 cayaaryahan oo laba qayb ku kala tartamayay waxaana wafdiga cayaartoyda qaranka hogaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud, Khadiijo Aadan Daahir iyo Guddoomiye ku XigeenkaXiriirka cayaaraha Fudud Faarax Cali Macallin.

Halkan ka aqriso tartamada ay cayaartoyda ka qayb galeen iyo natiijada ay keeneen.

Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800mtr ayaa kaalinta koowaad ka galay kadib marki uu ku oraday 1:55 Ilbiriqsi waxaaa lagu abaalmariyay Biladda dahabka.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka1500 mtr ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad isna ku dhamaystay kadib markii ku orday 3:46 :78 waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka.

Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yrta orodka 800 ku tartamayay  ayaa isna kasoo galay kaalinta 6-aad ee tartanka.

Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000mtr ka qayb galay ayaa  bandhigiisa aad u wanaagsanaa waxuu soo galay kaalinta afaraard kadib markii uu ku orday 8:36. isgaoo ku dhawaad inuu biladda  maarta   hanto.

Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weynka ku jiray ayaa kua dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka    qaybtiisa  1500mtr waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd Saacad wanaagsan.

Dhammaan cayaartoyda ayaa marka laga soo tago guulaha iyo kaalmaha ay galeen waxay sameeyeen saacado wanaagsan.

Cayaartoyda Xulka qaranka cayaaraha Fudud ee guulaha keenay ayaa xero tababar oo gudaha dalka waxaa  sanadki 2017 ugu diyaariyay Guddiga olombikada qaranka Soomaaliyeed halkaas oo ay tababar ku qaadanayeen muddo sanad ah , waxaana kadib loo wareejiyay dalalka Kenya iyo Ehtiopia si ay tababarro heerkoodu sareeyo u helaan taasoo sahashay guushan taariikhi ah.

 Waaxda warfaafinta GOS

 Info@nocsom.com

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button