Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Real Madrid oo dalab u dirtay Raphael Varane si uu qeyb uga noqdo heshiiska Sadio Mane

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fakareyso inay Raphael Varane u soo bandhigto Liverpool iyagoo qeyb ka ah heshiiska ay kula wareegayaan Sadio Mane.

Varane ayaa la fahamsan yahay inuu miisaamayo mustaqbalkiisa caasimada Spain, waxaana laga yaabaa inuu baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

 

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa lagu xantaa in uu u dhaqaaqayo  Manchester United, ,xili United  la ogyahay inuu suuqa ugu jirto daafac dhexe, islamarkaana si aad ah loola xiriirinayay Varane.

 

Si kastaba ha ahaatee, The Guardian ayaa sheegtay in Madrid ay u ogolaan laheyd inay Varane u soo bandhigto Liverpool si ay uga caawiso wadahadalada Mane.

 

Kooxda heysata horyaalka yurub ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo ceshatay xiisaha ay u qabaan xiddiga reer Senegal ka dib markii uu ku soo laabtay Zinedine Zidane kooxda  isagoo tababaraha u arka,  weerarka Liverpool  inuu yahay fursad ka fiican Eden Hazard ama Christian Eriksen.

Varane ayaa ku biiray Real Madrid 2011, isagoo u saftay 250 kulan tartamada oo dhan tartamada oo dhan

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button