Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Antoine Griezmann oo xaqiijiyay in uu ka tagaayo Atletico Madrid  dhamaadka xilli ciyaareedkan

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan kooxdiisa, ka dib shan sanno uu ku sugnaa kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

 

Ciyaaryahanka ku guuleestay Koobka Adduunka ayaa saxiixay heshiis shan sanno si uu sii joogo Atletico Madrid, laakiin kulanka Sabtida La Liga ee ay la ciyaareyso Levante ayaa noqon doono kan ugu danbeeya ee kooxdiisa uu ka soo muuqdo.

 

Barcelona ayaa bixin doonta lacagta lagu burburin karo qandaraaska Griezmann ee ah 120m euros, sida ay qortay BBC Sport.”Waxay ahayd shan sano oo cajiib ah, wax walbana waad u mahadsantihiin,” ayuu yiri.Antoine Griezmann .

 

“Waxaan doonayay inaan u sheego taageerayaasha mar walba i siiyay jacayl badan oo aan go’aansaday inaan ka tago, si aan u arko waxyaabo kale, inaan heysto caqabado kale,” 28 jirkaan ayaa hadalkaan ku sheegay muuqaal kooban uu soo dhigay  Twitter .

 

“Runtu way adagtahay in la qaato safarkan balse waa waxa aan dareemayo waxaan u baahanahay waxaanan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dhamaantiin jacaylkii aad ii muujisay mudadii shanta sano.”ahayd ee aan isla joognay.

 

Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 133 gool 256 kulan oo uu u saftay Atletico tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Real Sociedad 2014.

Waxa uu ku guuleystay Europa League, Spanish Super Cup iyo Uefa Supercup intii uu joogay Atletico, waxaana uu ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda ee shantii xilli ciyaareed ee u danbeysay.

Griezmann ayaa diiday dalab uga yimid Barcelona sannadkii hore, ayadoo kooxdiisa xiligas suuqa kala kulantay ganaax.

 

Atletico ayaa sidoo kale Barcelona ku wargalisay Fifa in ay si sharci darro ah ay kula xiriirtay ntoine Griezmann  bishii  December 2017.

 

Griezmann ayaa noqon doona ciyaaryahankii seddexaad ee heer ah ee ka tagaayo kooxda Atletico xagaagaan ka dib markii daafaca Lucas Hernandez uu ogolaaday inuu ku biiro Bayern Munich iyo kabtanka mudada dheer kooxda joogay   ee Diego Godin oo asna  ku dhawaaqay inuu ka tagayo, kooxda ayadoo uu dhacaayo qandaraaskiisa.

 

Gooldhaliye  Antoine Griezmann hadii uu tago Barcelona waxaa shaki weyn soo galay  mustaqbalka Philippe Coutinho ee Camp Nou.

 

Coutinho ayaa ku dhibtooday inuu qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay Barcelona tan iyo markii uu ka soo wareegay Liverpool 142 milyan oo ginni bishii January 2018, iyo ilo wareedyo a ayaa sheegaya in imaanshiyaha Griezmann ee Barcelona ay keeni doonto bixitaanka wiilka reer Brazil.

 

Waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo Luis Suarez, lakiin waxa uu ka caawiyay in ka badan Coutinho, waxaana u eg inuu ciyaaryahanka reer Uruguay sii joogayo xagaagan ka hor inta uusan macquul aheyn inuu baxo sannadka xiga,

Haddii uu Coutinho dhaqaaqo, waxaa macquul ah in uu ku biiro Chelsea. 26 jirkaan ayaa ka mid noqon doona ciyaartoydeeda bedelka u noqon doono Eden Hazard, hadii Belgium ay u dhaqaaqdo Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa rajeyneysa inay sameyso saxiixyo ay ku xiran tahay natiijada racfaan ay ka qaadatay mamnuucidda ganaaxa Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button