Garsoorayaasha qaban doono Final-ka Champions League iyo Europa League oo lagu dhawaaqay.
Damir Skomina ayaa garsoore ka noqon doona final-ka Champions League ee u dhaxeeya Tottenham iyo Liverpool.
42 jirkaan ayaa Manchester United ku abaalmariyay rigoore markii la maraayay marxaladda 16aad ayagoo ka horyimaadeen Paris St-Germain bishii March.
Weeraryahanka PSG Neymar ayaa la siiyay ganaax seddex kulan ah ka dib markii uu uu aad ugu horyimid go’aanka garsooraha,waxa uuna ku weeraray baraha bulshada.
Finalka Champions League ayaa ka dhici doona garoonka Estadio Metropolitano ee magaalada Madrid Sabtida, 1da Juun 20:00 BST.
Skomina ayaa mas’uul ka ahaa markii United ay garaacday Ajax finalkii Europa League ee 2017 iyo sidoo kale kulankii Uefa Super Cup ee u dhaxeeyay Chelsea iyo Atletico Madrid shan sano ka hor.
Waxa uu ahaa caawiyaha afaraad ee finalka Champions League ee u dhaxeeya Borussia Dortmund iyo Bayern Munich, waxaana uu garsooraha ka ahaa afar kulan oo xilli ciyaareedkan ah, oo ay ku jirto Liverpool oo 1-0 ku garaacday Napoli oo kaalinta koowaad kaga jirta booska knockout.
Waxa caawin doono finalka saaxiibadiisa Jure Praprotnik iyo Robert Vukan. Sarkaalka afaraad wuxuu noqon doonaa Antonio Mateu Lahoz oo ka socda Spain.
Kaaliyaha muuqaal caawiyaha garsooraha waxaa loo xilsaaray Danny Makkelie oo ka socda Netherlands, kaas oo taageeri doona boolaniga bool van Boekel, iyo sidoo kale mas’uuliyiinta Jarmalka Felix Zwayer, iyo Mark Borsch.
Garsooraha Talyaaniga Gianluca Rocchi ayaa qaban doona finalka Europa League ee u dhaxeeya Chelsea iyo Arsenal ee magaalada May 29.