Breaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Real Madrid Oo Dhameystirtay Saxiixa Luka Jovic.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuleysatay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Eintracht Frankfurt Luka Jovic, iyadoo kooxda heysata Champions League ay ogolaatay inay la soo wareegto xiddiga reer Serbia heshiis 52 milyan ginni ah.

Jovic ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay amaah ugu soo ciyaaray Frankfurt iyadoo  uu u dhaliyay 36 gool 74 kulan oo uu u saftay kooxda Jarmalka tartamada oo dhan.

 

Frankfurt ayaa dhowaan soo afjartay saxiixa 21 sanno jirkaan heshiis joogta ah, lakiin waxaa la rumeysan yahay inay kooxda Bundesliga ay ku iibisay faaidada ay hishiska laaicbkaan ku heleen.

 

Liverpool, Manchester City iyo Barcelona ayaa horay ugu soo biiray xiisaha, laakiin sida ay sheegeyso Sky Germany, Madrid ayaa dhameystirtay heshiis 52 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso weeraryahankeeda, iyadoo shan ka mid ah lacagta ay u dhacday Benfica.

Jovic ayaa dhaliyay 27 gool 47 kulan oo uu u saftay Frankfurt intii lagu jiray ololihii 2018-19, oo uu ku jiro 10ka gool ee  Europa League iyadoo Die Adler ay  gaartay semi-finalka.

kooxda Bundesliga ayaa la filayaa inay Sabtida la ciyaarayaan Bayern Munich kulanka ugu dambeeya horyaalka,

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • uuuu
Back to top button