Breaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGASportsTottenham HotspurUncategorizedWARARKA MAANTA

Real Madrid oo iibineysa 14 ciyaaryahan marka uu suuqa kala iibsiga dib u furmo.

Ilaa iyo 14 ciyaaryahan oo Real Madrid ah ayaa lagu soo waramayaa inay la soo wareegi doonaan Bernabeu, iyadoo Zinedine Zidane uu isku diyaarinayo inuu isbedel weyn ku sameeyo kooxdiisa.

Kooxda reer Spain ayaa soo martay mid ka mid ah xilli ciyaareedkii ugu xumaa muddo sano ah ka dib, waxaana ay ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee horyaalka, iyadoo aan wax kooba h ku guuleesan.

 

Zidane ayaa loo arkaa inuu ku rajo weyn yahay inuu kusoo daro kooxdiisa Eden Hazard iyo Paul Pogba, halka Luka Jovic uu sidoo kale si joogta ah loola xiriirinayay Los Blancos.

 

Marca ayaa soo jeedineysa in Keylor Navas, James Rodriguez iyo Gareth Bale inay hogaamin doonaan ciyaartoyda baxaayo si lamid ah Jesus Vallejo, Theo Hernandez iyo Sergio Reguilon ayaa kooxda ka baxaayo.

 

Mateo Kovacic iyo Martin Odegaard ayaa sidoo kale loo ogolaan doonaa inay baxaan, sida Dani Ceballos, Marcos Llorente iyo Oscar Rodriguez.

Dhameystirka liiska ciyaartoyda kuwa kale lagu soo dari doono waxaa ka mid ah Lucas Vazquez, Brahim Diaz iyo Mariano Diaz.kuwaas oo aana u fiicneen xili ciyaareedkaan.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button