Breaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Chelsea oo dooneysa Frank Lampard inuu bedelo Maurizio Sarri

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay higsadeen halyeeygii kooxda Frank Lampard iyagoo doonaya inay tababare u noqdaan ,asiga oo bedelaya Maurizio Sarri xagaaga.

Sarri ayaa sii wada doono  kooxdiisa finalka Europa League ee Isbuuca soo socda, iyadoo Talyaaniga uu ku guuldareystay inuu ku guuleysto koob    labo final uu horay kooxda u maamulay.

Tababarihii hore ee Napoli ayaa dhowaan lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Serie A si uu u maamulo kooxda heysata horyaalka Talyaaniga, waxaana la aaminsan yahay in Chelsea aysan u istaagi karin sida uu shaqada ugu qaadanayo.

Sky Italia ayaa sheegaysa  in Blues ay durbadiiba indhaha ku hayaan Lampard si uu noqdo bedelka Sarri, isagoo ku faraxsan inuu kusoo bilowday noloshiisa maamulka kooxda Derby County.

Lampard ayaa qaatay finalka play-offka Derby, waxaana uu haatan u harsan hal kulan si uu ugu soo laabto  Premier League xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeysay ,asiga oo ah tababare.

40 jirkaan ayaa sidoo kale si xasaasi ah ugu xusuustay Stamford Bridge, halkaasoo uu ku  dhaliyay 211 gool 648 kulan uu u saftay intii u dhaxeysay 2001 iyo 2014.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button