Breaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Warbixin: Ole Gunnar Solskjaer oo afar ciyaaryahan ka dhiri doono Manchester United ah

Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gabagabeeyay liiska ciyaartoyda Manchester United oo uu doonayo inuu ka takhaluso xagaagan.

Red Devils ayaa ku jirta suuqa kala iibsiga xagaaga ,ka dib xili ciyaareed niyad jab ah,ayadoo ku dhameestay kaalinta lixaad ee Premier League iyo koob la’aan.

 

Red Devils ayaa rajeyneysa inay ciyaaryahano cusub ka dhirto   Old Trafford bilaha soo aadan, sida laga soo xigtay The Mirror.

 

Matteo Darmian, Marcos Rojo, Juan Mata iyo Romelu Lukaku ayaa dhamaantood la rumeysan yahay inay ka baxayaan kooxda ka dib markii ay ku guuldareysteen inay soo jiitaan Solskjaer.

Mata ayaa la filayaa inuu noqdo wakiil xor ah bisha soo socota, waxaana wadahadal la bilaabi doona qandaraas cusub, halka Lukaku la rumeysan yahay inuu diirada u saaran yahay Inter Milan.

United ayaa si aad ah u doonayso in hesho  Harry Maguire, Kalidou Koulibaly, Aaron Wan-Bissaka, Daniel James iyo Nicolas Pepe kuwaas oo dhamaantood la rumeysan yahay inay yihiin saxiixo macquul ah oo la helikaro.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button