Breaking NewsChampions LeagueHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

DAAWO:Liverpool oo ku guuleestay koobka Champions League 2018/2019,+SAWIRRO.

Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa caawa wada ciyaaray kama dambeesta koobka kooxaha yurub ee Champions League.

Kulankaan wuxuu ka dhacay garoonka lagu magacaabo Estadio Wanda Metropolitano ee dalka Spain.

Liverpool ayaa soo gashay ciyartay,ayadoo sanadkii hore finalka koobkaan lagu garaacay halka kooxda Tottenaham kulankaan uu ahaa finalkii ugu horeeyay ee ciyaaraan.

Tottenahm waxaa ay ku soo bilaabeen garoonka Kane,halka Liverpool ay dib u heleen Salah Ferminho.

Ciyaarta markii ay bilaabatay Liverpool ayaa heshay goolkii kowaad ee ciyaarta,ka dib markii Regoore loo dhigay,waxaana gool u bedelay Mohamed Salah.

Wixii xiligaa ka dambeeyay Tottenahm ayaa ciyaarta la wareegtay,balse ma ayna u suuragalin in ay gaaraan shabaqa kooxda Liverpool.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay Tottenhaam oo maamulayso ciyaarta,balse Liverpool ay ku hogaaminayso 1-0.

Markii ay bilaabatay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda Tottenahm ayaa halkeeda ka sii waday weerarka ay ku haysay qyabtii horee kooxda Liverpool.

Labada tababre waxa ay sameeyeen dhowr bedel,balse waxaa u muhiimsanaa bedelka Divock Origi oo goolkii niyaada dilay Tottenahm dhaliyay daqiiqadii 87-aad.

Tottenaham ayaa fiicneed dhanka iskudayga iyo kubadd heesashada intaba,balse guuldaro xanuun badan ayey la kulmeen.

Ciyaarta ayaa ugu dambeentii ku soo dhamaatay 2-0 oo ay ku badisay kooxda Liverpool,sidaas ayena Liverpool ugu guuleestay koobkii 7-aad ee Champions League taariikhda.

Macalin klopp oo laba jeer uu horay u tagay Finalka laga qaaday ayaa caawa Liverpool u qaaday koobkii ugu horeeyay tan iyo markii uu yimid kooxda reer Engalnad.

Tottenahm ayaa qaaday wadadii ay horay u mareen kooxihii markii ugu horeesay yimid Finalka koobkaan aana ku guuleesan.

 

 

Hadaba Maxaa lagabartay kulankaan?

 

 

Liverpool ayaa ku guuleysatay koobkeedii lixaad ee European Cup – labo jeer ayay ka badan tahay koox kasta oo Ingiriis ah (Manchester United, seddex) ah.

Klopp waa tababarihii afaraad ee Liverpool ee ku guuleysta Champions League, ka dib Bob Paisley, Joe Fagan iyo Rafael Benitez.

Klopp ayaa ah tababarihii shanaad ee Jarmalka ee ku guuleysta Champions League, ka dib markii Dettmar Cramer, Jupp Heynckes, Ottmar Hitzfeld iyo Udo Lattek laakiin keliya hal tababare oo jarmal ah ayaa laba jeer qaaday koobkaan waana  Heynckes.

Pochettino ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu weynaa ee uu macalin u yahay Tottenham, sidoo kale wuxuu finalkii League Cup ku wajahay Chelsea  2015.

Tottenham ayaa ka soo muuqatay koobkeedii ugu horeeyay ee European Cup, wax ayna  noqotay  kooxdii lixaad ee markii ugu horeesay gaartay finalka hadana laga qaaday koobkaan  sida Chelsea 2008, Arsenal 2006, Monaco 2004, Bayer Leverkusen 2002 iyo Valencia 2000).

Liverpool (35.4%) ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee ku guuleysatay Finalka Champions League, inkastoo aysan laheyn recordkii Jose Mourinho uu ku burburiyay  Bayern Munich 2010kii.

Tani waxay aheyd koobkii ugu horeeyay ee Champions League finalkiisa aana la bixin kaar ah

Mohamed Salah oo Liverpool ah ayaa noqday ciyaaryahankii shanaad ee Afrika ah ee ku guuleysta Finalka Koobka Kooxaha Yurub in uu gool ka dhaliyo ,ka dib Rabah Madjer, Samuel Eto’o, Didier Drogba iyo Sadio Mane.

Goolhayaha Salah ee Liverpool ayaa dhaliyay goolkii labaad ee ugu dhaqsiyaha badan finalka Champions League (1:48), keliya Paolo Maldini (00:50) oo AC Milan dhalisay  2005dii.

Origi ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee Belgian oo gool ka dhaliya finalka Champions League ka dib markii Yannick Carrasco oo  Atletico Madrid  gool u dhaliyay kulankii ay wajaheen Real Madrid sannadkii 2016. Origi ayaa dhaliyay sedex gool sedexdiisii kulan ee ugu dambeesay.

Trent Alexander-Arnold oo 20 sanno jir ah ayaa ah ciyaaryahankii ugu hooseeya da’da  21 jir  eek u soo bilaawda finalka Champions League.

 

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button