Breaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Daniel James oo ku biiray kooxda Man United.

Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gaartay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Swansea City ee Daniel James.

21 jirkaan ayaa dhameystiray tijaabada caafimaadka, waxaana uu noqon doonaa saxiixii ugu horeeyay ee Ole Gunnar Solskjaer tan iyo markii uu tababare Jose Mourinho ka badalay shaqada Old Trafford.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu dhaco marka uu furmo suuqa kala iibsiga sida ay qabto  Fifa todobaadka soo aadan.

James ayaa dhaliyay shan gool 38 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii 2018-19.

Laba jeer oo horay wuxuu ku dhawaaday in uu ku biiro  ​​Leeds United bishii Janaayo, balse Ryan Giggs oo maamula xulka Wales ayaa ku booriyay ku biirista kooxda UTD,xili ay hada wada  ciyaarayaan  isreebreebka Euro 2020.

James ayaa ka tagay xerada tababarka ee Welsh ee Portugal ka dib markii uu geeriyooday aabihiis .Giggs ayaa xaqiijiyay in xulkiisa uu  uu ka soo muuqan doono labada kulan ee  wajahayaan Croatia Sabtida iyo kkulanka  Hungary.

Waxa uu dhaliyay goolka kaliya ee lagu badiyay kulankii muhimka ahaa ee ay 1-0 kaga badiyeen kooxda reer Slovakia kulankiisii ​​ugu horeysay ee heer caalami bishii March.

“Waa ciyaaryahan tayo leh, markaad xawaare dheertahay iyo sidoo kale wuu ciyaari karaa meel walba,” Giggs ayaa sidaasi u sheegay jimcihii hore. saxaafada.

“Haddii aad aado United ama koox weyn waa cadaadis aad adigu leedahay, tababare ahaan waxaad dooneysaa dhamaan ciyaartoydaada inay heer sarre u ciyaaraan, awoodooda waa ay u qalmaan,” ayuu halyeeyga United ku daray.

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in “sida ugu dhaqsaha badan ay udoonayaan” James ka dib markii kooxdiisa la la ciyaareen  FA Cup quarter-final-kii Swansea bishii March.

Hull City, oo uu soo matalay waayihiisa  iskuulka, ayaa la sheegay in qiimaha iibka ay ku leedahay  ku dhowaad 5% oo ka mid ah suuqa kala iibsiga.

Manchester United ayaa ku dhameysatay kaalinta lixaad ee Premier League, shan dhibcood ayaa ka hooseysa afarta kooxood ee ugu sareysa, waxaana ay ka ciyaari doontaa Europa League xilli ciyaareedka soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button