Breaking NewsEUROPE LEAGUEHORYAALADAPremier LeagueS.KALA IIBSIGASportsTottenham HotspurUncategorizedWARARKA MAANTA

Real Madrid Oo Dooneysa In Gareth Bale Uu qayb ka noqdo saxiixa Paul Pogba.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay sameysay dadaal cusub oo ay kula soo saxiixaneyso Paul Pogba oo ka imid ah Manchester United, iyadoo Gareth Bale mar kale lagu soo waramayo inuu qeyb ka yahay heshiiska.

Zinedine Zidane oo la fahasanyahay in  Pogba uu aad u doonaayo , inkastoo dhawaanahan lagu dhawaaqay inay Real ka horimaaneyso inay United la soo wareegto xiddiga reer France.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Spain ayaa weli dooneysa inay iska iibiso Bale, si kastaba, Zidane ayaa go’aansaday inuusan qayb ka noqonkarin qorshihiisa mustaqbalka.

Sida laga soo xigtay The Mirror, taasi waxay keentay in Real ay United u ogolaato fursad kale oo ay ku xaajoodaan heshiiska ay kula wareegayaan labada xiddig.

Gareth Bale ayaa mar walba ku adkeysanaya inuu diyaar u yahay inuu sii joogo Santiago Bernabeu hadii ayna jirin koox bixi karta mushaarka uu laacibkaan dalabanaayo.

Dhanka kale, Real ayaa ku dhawaaqday maanta inay heshiis la gaartay Chelsea garabka laacibka ugu ciyaaro ee  Eden Hazard.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button