Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Real Madrid oo soo bandhigtay saxiixooda cusub ee Eden Hazard.

Eden Hazard ayaa sheegay inuusan aheyn Galactico, lakiin ,wuxuu sheegay in uu iskudayi doono in uu ka fiicnaado hadii uu hagaago qaab ciyaareedkiisa kooxdiisa cusub .

Real Madrid Garoonkeeda oo ay joogaan  50,000 oo taageerayaal ah ayaa lagu soo bandhigay Eden Harzad laacibkii hore ee Chelsea.

Weeraryahanka reer Belgium, oo 28 sanno jir ah, ayaa Chelsea kaga soo biiray Isbuucii lasoo dhaafay lacag ku kaceysa £ 150m.

Hazard ayaa maray tijaabada caafimaadka ka dibna wuxuu saxiixay heshiis shan sanno ah ,asiga oo goob joog uu yahay  madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez.

“Riyadeydii abid tan iyo intii aan caruurta  ahaa waxa ay ahayd in aan  u ciyaaro  Real Madrid,” ayuu yiri Hrazad.

Ka dib markii uu saxiixay qandaraaskiisa, Perez ayaa soo bandhigay Hazard, oo markii ugu horeysay ku hadlay Spanish-ka: “Hola todos” (hello qof walba), ka hor inta uusan u badalin luuqada ku hadalka Faransiiska.

Waxa uu bedelay jawiga Real uu ku socday garoonka dhexdiisa, ka hor inta uusan kubada dahabka ah iyo kubadaha cadcad ku garaacin kooxda, acalaamaddeda,asiga oo  dhunkanaayo calaamadda kooxda.

Ka dib markii uu shir jaraa’id qabtay, wuxuu yiri: “Waxaan isku dayi doonaa inaan noqdo ciyaaryahankii ugu fiicnaa adduunka, laakiin marka hore waxaan doonayay inaan noqqono mar kalekooxda ugu fiican adduunka.

“Ma ahan Galactico, laakiin waxaan isku dayi doonaa inaan joogo, haatan waxaan ahay Eden Hazard.”

Hazard ma uusan soo bandhigin lambarkiisa  madaama lambarka 10 uu ku soo qaatay Chelsea, iyo xulka  Belgium-Real waxaa u xeran lambarkaas  Luka Modric.

“Nasiib ayaan ku lahaa inaan la hadlo Modric ,aniga oo an u maraayo Kovacic, waan ka xumaa inaan weydiisto inuu iga tago lambarka 10,” ayuu yiri Hazard. “Lambarka aniga iima ahan mid muhiim ah.”

Hazard ayaa sheegay in Real uu u iskuday in uu ku biiro, ka dib Koobkii Adduunka ee xagaagii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu haatan yiri “waqtiga ugu fiican ee uu ku biiri lahaa kooxda Spain”.ayaa noqday hada.

“Uma maleynayo inay soo daahay, waxaan ahay 28 jir, waqtiga ugu fiican ee ciyaaryahan” ayuu yiri.

Zinedine Zidane ayaa dib ugu soo laabtay kooxda markii uu tababare u ahaa bishii March, waxaana uu Hazard sheegay in ninka reer Faransiiska ah inuu muhim u yahay hamigiisa.

“Qof walba waa ogyahay Zidane inuu ahaa sanamyadeyda sii koraya,” ayuu yiri. “Inuu yahay tababare wuxuu ahaa arin muhim ah, lakiin ma ahan kaliya kaliya, waxaan durbadiiba doonayay inaan halkaan ka ciyaaro.”oo an wada guuleesano mahadsanadiin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button