Paul Pogba oo sheegay in la joogo waqtigii uu ka tagi lahaa kooxda Man United.
Paul Pogba ayaa sheegay in xagaagan uu noqon karo waqtigii ugu fiican ee uu u dhaqaaqi karo koox kale,asiga oo doonaayo in uu kalo tartan cusub.
Xiddiga reer France ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa lala xiriiriyay lacag badan oo uu ugu biirayo kooxda Real Madrid ama kooxdiisii hore ee Juventus.
Si kastaba ha ahaatee, 26 jirkaan khadka dhexe ee ka soo muuqday PFA ee Sanadka 2018-19, ayaa qandaraaska uu u saxiixay kooxda Premier League Man United wuxuu dhacaya July 2021.
“Waxaan ka fekerayaa arrintan: Si aan u helo tartan cusub oo meel kale, ah ” ayuu yiri Pogba.
“Aniga ahaan, seddex sano ayaan joogay Manchester, wax badan ayaan qabanay, daqiiqado fiican iyo daqiiqado xun, wa ay i soo mareen.
“Xilli ciyaareedkan iyo xilli ciyaareedkeygii ugu fiicnaa, waxaan u maleynayaa inay noqon karto wakhti fiican oo aan ku helno tartan cusub.”
Inkastoo aragtida saxiixa rikoorka ah ay jirto , waxaa la fahamsan yahay in Manchester United ay rumeysan tahay in Pogba uu weli sii joogi doono Old Trafford xilli ciyaareedka soo aadan.
Pogba ayaa dib ugu soo laabtay Manchester United ka dib afar sanno oo uu ku qaatay Juventus ,asiga oo ku yimid aduun rikoorka ah oo dhan 89.3 milyan oo ginni bishii August 2016.
Pogba ayaa 89 kulan u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkiisii labaad ee United, isagoo dhaliyay 24 gool.
Bishii April, tababaraha United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay inuu filanayo in Pogba uu sii joogayo kooxda xilli ciyaareedka soo aadan.