AC MilanHORYAALADAS.KALA IIBSIGASerie ASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

AC Milan oo ku dhawaaqday tababre cusub.

AC Milan ayaa si rasmi ah ugu magacawday macalinkii hore ee Sampdoria Marco Giampaolo ,wuxuu noqonayaa macalinkooda cusub labo sanno oo heshiis ah ayuu u saxiixay hal sano kale ayuu sii heestaa.

Waxa uu qandaraaskiisa uu kula jiray Samp dhacayay   seddex xilli ciyaareed ka dib, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis labo sanno ah oo uu ku qaadanayo Milanello, waxaana la rumeysan yahay i n sanadkii uu qaadan doono aduun dhan € 2m halkii xilli ciyaareedkiiba.

“AC Milan waxa ay ku dhawaaqeysaa magacaabista Marco Giampaolo oo ah macalinka cusub ee kooxda koowaad, ansaxinta 1da July 2019. Heshiisku wuxuu soconayaa ilaa 30ka Juun 2021 waxan sii heesanaa juun 2022,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay AC Milan.

“Marco Giampaolo, oo ku dhashay Bellinzona bishii Oktoobar 1967, ayaa ka soo muuqday  324 kulan tartamada oo dhan intii uu kubada cagta ciyaarayay 270 kulan oo Serie A.

“Giampaolo waxa uu shaqada  kooxda AC Milan bilaabi doono  9-ka July maalintaas tabbarkiisii ugu horeeya ee ka horeeya xili ciyaareedka 2019/2020.

Giampaolo ayaa noqonaya tababaraha 6-aad ee kursiga keydka ah ee AC Milan soo fadhiista , tan iyo markii uu Max Allegri shaqada laga eryay bishii Janaayo 2014.

51 jirkaan ayaa ku dhashay Swiiserland, waxaana uu sannado badan u shaqeynayay kaaliyaha tababaraha sida Giovanni Galeone, Aldo Agroppi, Edi Reja, Carlo Mazzone iyo Nereo Rocco ka hor inta uusan sannadkii 2004 noqon tababraha kowaad.

Waxa uu macalin u soo noqday Cagliari, Siena, Catania, Cesena, Brescia, Cremonese, Empoli iyo tan iyo 2016-kii wuxuu maamulaayay kooxda Sampdoria.

Giampaolo ayaa bedelaya Gennaro Gattuso, kaasoo Rossoneri ku hogaamiyay kaalinta 5aad ee horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan iyo semi-finalka Coppa Italia.

Sampdoria ayaa la filayaa inay u magacawdo bedelkiisa nika lagu magacaabo  Eusebio Di Francesco booskiisa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button