Breaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Manchester City oo ku garaacday Manchester United saxiixa Harry Maguire?

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dib ugu soo laabatay Manchester United  tartanka ay ugu jirtay  saxiixa daafaca kooxda Leicester City Harry Maguire.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay bartilmaameedka dagaal ee u dhaxeeya kooxaha Manchester.

Leicester waxay isticmaalysa in ay bixiso  kharash aad u weyn oo loogu talagalay Maguire, taasoo u muuqata in ay tahay  65 milyan oo gini.

Sida laga soo xigtay jariiradda The Express, 26 jirkaan ayaa doorbidaya inuu ka hoos ciyaaro  Pep Guardiola halka uu dooran lahaa  Ole Gunnar Solskjaer, waxaana City haatan loo tixgeliyaa inay tahay kooxda hogaanka u hayso tartanka laacibkaan loogu jiro.

 

Maguire ayaa 76 kulan u saftay Leicester tartamada oo dhan tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Hull City heshiis qiimihiisu ahaa £ 17m bishii June 2017.

Haddii uu ku biiro kooxda heysata horyaalka England,  waxaa kooxda ka baxaayo Nicolas Otamendi dalab ka helaayo kooxo kale.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button