BundesligaHORYAALADAPremier LeagueSportsUncategorizedWARARKA MAANTA

koobka Africa Cup of Nations 2019 oo furmay,iyo xulka Egypt oo guul ku bilaaway,+SAWIRRO.

Dalka martigalinaayo koobka Africa ee Masar oo  bilowgiisii guul  ku daah furamy koobka qaramada Afrika iyadoo uu garaacay xulka  Zimbabwe kulan furitaan ah oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Mahmoud Trezeguet ayaa goolka kaliya ee ciyaarta u dhaliyay Qaybtii hore dhamaadkeedii,wuxuuna ahaa gool aad u qurux badan.

 

Weeraryahanka Liverpool Mo Salah ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dheereyo xulkiisa  markii qeybtii labaad ee ciyaarta, uu si toos u wajahaya gooljayaha  xulka  Zimbabwe Edmore Sibanda.

Ovidy Karuru ayaa fursadii ugu fiicnayd ee Zimbabwe ka soo tooktay meel u jirto 30-yard laakiin goolhayaha xulka Masar ayaa badbaadin aan dhib badneen sameeyay.

xulka Zimbabwe ayaa halis badan sameeyay,waxa uuna ku qasbay xulka Masar in uu si weyn ugu fikiro kulankaan.

Taageeryaashii joogay kulankii furitaanka ah waxa ay gaarayaan  75,000 waxa uuna ahaa kulankii ugu badnaa ee furitaan ah oo ay ka soo qaybgalaan dad intaa la eg.

kulanka xiga ee Gruop A ,waxaa maanta waxaa wada ciyaaraayo DR Congo Vs Uganda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • huu
Back to top button