Breaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Xulka England ee 21 jirada ah oo laga reebay tartanka European Championships 2019.

xulka kubadda cagta England ee 21 jirada ah ayaa laga saaraay tartanka Euro ee ka socda dalka Taliyaaniga,ka dib markii laga badiyay kulankii labaad oo xiriri ah.

xulka kubadda cagta England U21 ,waxa uu kulankiisii labaad ee Gruop C wajahay xulka Romania U21,waxaana  looga badiiyay 4-2.

England kulankii hore waxaa 2-1 kaga soo badiyay xulka France,kulankaana muhiimad weyn ayuu ugu fadhiyay,balse kama uusan faaiideesan.

Qaybtii hore kulankaan wuxuu ku soo dhamaaday 0-0,balse markii dib la iskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka Romania waxaa goolka kowaad u dhaliyay daqiiqadii 76-aad laacibka lagu magacaabo  George Puscas.

England waxaa bareejo ka dhigay laacibka lagu magcaabo Demarai Gray,wixii xiligaa ka dambeeyay ciyaarta ayaa aad u sii kulalaatay.

Romania waxa goolka labaad u dhaliyay daqiiqadii 85-aad laacibka lagua magacaabo Ianis Hagi.

Ciyaarta waxaa 2-2 ka dhigay laacibka kooxda Chelsea Tammy Abraham daqiiqadii 87-aad,waxa uuna ahaa gool si weyn looga soo shaqeeyay.

Romania ayaa wixii xiligaa ka dmabeeyay dhalisay laba gool oo deg dge ah ,waxaana u dhaliyay labada gool  Florinel Coman daqiiqadihii kala ahaa 89-aad iyo 90-.

Ugu dambeentii ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay 4-2 uu  ku badiyay xulka 21 jirada Romania,sidaas ayuu xulka 21jirada England koobka kaga haray.

xulka England kulanka ugu dambeeya Gruop C,wuxuu wajahaya xulka qaranka Croatia U21 kulankaas wax natiijo ah uma lahan kulankaa xitaa hadii goolal badna ku baidyaan

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • daaa
Back to top button