AFRICABreaking NewsHORYAALADAS.KALA IIBSIGASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

DAAWO: xulka kubadda cagta ee Uganda oo guul weyn gaaray,iyo Nigeria garaacday Burundi.

koobka Africa Cup ayaa maalintii labaad galay,waxaana dhacay sedex kulan oo ahaa mid aad u adag,waxaana ka soo baxay natiijo waa weyn.
kulankii ugu dambeeyay goup A,waxaa wada ciyaaray xulka Ugandha iyo DR Congo ,waxa uu kulankaan ahaa mid aad u adga,waxa uuna ku soo dhamaaday 2-0.
Ugandha ayaa gaartay guushii ugu weyneed mudo 41 sano ka dib,xulka Ugandha,waxaa labada gool u dhaliyay Patrick Kaddu iyo Emmanuel Okwi.

Sidaas waxaa kaalinta kowaad Grou A la wareegay xulka Ugandha farqiga goolasha kulanka xiga waxa uu wajihi doonaa xulka Zimbabwe,halka xulka

Egypt,waxa uu wajihi doonaa xulka  DR Congo.
labadii kulan ee ka tirsanaa Group B,waxaa wada ciyaaray xulalka kala ah Nigeria iyo Burundi,sidoo kale waxaa wada ciyaaray Guinea iyo Madagascar.
kulankii dhexmaray Nageria iyo Burundi,waxa uu ku soo dhamaaday 1-0 uu ku badiyay xulka Nageria,waxa uu goolka helay daqiiqadii 77-aad,waxaana u dhaliyay  Odion Ighalo.

Kulankii dhexmaray Guinea iyo Madagascar,waxa uu ku soo dhamaaday 2-2 oo ay labada xul isla dhaafi waayeen Madagascar waxaa goolasha u dhaliyay  Anicet Abel iyo Carolus Andriamahitsinoro.

Xulka kubadda cagta ee Guinea ,waxaa goolasha u dhaliyay Sory Kaba iyo Francois Kamano oo gool regoore ah u dhaliyay.

kulamada maanta jiro waxaa ka mid ah

June 23
20:00
Senegal
? – ?
Tanzania
23:00
Algeria
? – ?
Kenya
17:30
Morocco
? – ?
Namibia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button