Breaking NewsHORYAALADAUncategorizedWARARKA MAANTA

kooxda Horseed oo mar kale iska lumisay fursad weyn.

kooxda kubadda cagta ee Horseed ayaa iska lumisay fursad weyn oo ay hogaanka kula qaban kartay kooxda Dekedda,ka dib markii maanta ay bareejo la gashay kooxda Heegan FC.

kulankaan ayaa ku bilaawday si xowli ah labada kooxood ayaa soo bandhigay kubad xoogan,kooxda Heegan FC ayaa kubad fiican soo bandhigtay kulankaan.

Intii lagu guda jiray qaybtii kowaad ee ciyaarta kooxda Heegan FC ayaa dhalisay goolkii kowaad ee ciyaarta,waxaana u dhaliyay laacibka lagu magacaabo  Baaba .

Inta aana la aadin nasiinada qyabtii hore ee ciyaarta kooxda Horseed waxaa roose ka qaatay laacibka lagu magacaabo Ibraahim Rasta,ka dib markii uu qalad toos ah ku sameeyay laacibka lagu magacaabo Mahad Zaha.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaaminayso kooxda Heegan FC.

Markii dib la iskugu soo laabtay qyabtii labaad ee ciyaarta kooxda Horseed ayaa dhalisay goolka bareejada,waxaaana u dhaliyay laacibka lagau magacaabo Nuur shiikhey.

kulankaan ayaa ugu dmabeentii ku soo dhamaaday 1-1 oo ay labada kooxood isla dhaafi waayeen,waxa ayna bareejadaan dhibaato ku tahay kooxda Horsdeed oo horyaalka u tartamayso,waxaa hada hogaanka looga qabtay 2 dhibcood ayadoo leh 33 dhibcood halka kooxda Dekedda ay leedahay 35 dhibcood.

Dekedda waxaa u harsan laba kulan oo waa weyn,waxa ayna la balasantahay kooxaha kala ah Muqdisho City iyo kooxda Heegan FC,halka Horseed labada kulan la ciyaari doonto kooxaha kala ah Madbacadda iyo Gaadiidka.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button