Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Sawiro : Qori Tuurka Tartanka Degmooyinka Kubada Gacanta & Abaalmarinada Tartankii PS4 ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xalay waxaa magaalada muqdisho lagu sameeyay isku aadka tartanka kubadda gacanta iyo Abaalmarin siinta degmooyinkii kaamaha hore ka galay tartanka PS4 ee loo qabtay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Munaasabadda qorituurka waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullahi Maxamed Tuulax iyo Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulk Gobolka Banaadir Basmo Caamir,Gudoomiyaha ciyraaha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish,iyo Gudoomiyaha Degmada Cabdicasiis Basama Maxamed Cabdullahi iyo Madax kale.

Isku aadka waxaa ka soo baxay kulama aad u adag,waxaana ka qyabgalayasha loo qeebiyay afar Groub oo kala ah A,B.C. D.

Degmada Hodan oo koobka difaanayso waxa ay hogaanka  u haysaan Group A,halka Shibis iyo Kaaraan iyo Warta Nabadda ay kala hogaaminayaan B,C,D.

Isku aadka wuxuu u dhacay sidatan.

A.

Hodan

Xamar Jajajab

Yaaqshid

Xamarweyne

Shangaani

B.

Warta Nabadda

Cabdicasiis

kaxda

Waaberi.

C.

Kaaraan

Hilliwaa

Wadajir

Holwadaag.

D.

Shibis

Deyniile

Boondheere

Dherkenley

Tartanka waxa uu bilaaban doonaa 10-ka luulyo.

Dhinaca kale waxaa xaflada Abaalmarino lagu gudoonsiiyay degmooyinkii kaalmaha hore ka galay tartan gacmeedka ciyaaraha ee Ps4 2019.

degmada kaalinta kowaad gashay ee Cabbdicasiis.waxaa la gudoonsiiyay $1000,halka degmada kaalinta labaad ee Yaaqshid,waxaa la gudoonsiiyay $700,degmada sedexaad gashay ee Wadajir waxaa la gudoonsiiyay $500,degmada afaraad gashay ee deyniile,waxaa la gudoonsiiyay $300.

Tartanka waxaa taabaglisay Shakir Group.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button