Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Ciyaaryahan soomaaliyeed oo 18 jir ah oo ku biiray kooxda Liverpool .

Cayaarahanka Liverpool, ee Somaliga ah Cabdi Shariif, ayaa kooxda England u saxiixay qanadaraaskiisii ugu horeeyay,ee heer sare,ka dib markii uu Liverpool u qaaday 12 sano  ka dib koobka   ee FA Youth Cup ,ka dib markii Finalka ku garaaceen kooxda  Manchester City.

kooxda Liverpool ayaa twitter-keeda ku soo qortay in Cabdi Shariif uu saxiix hihsiis cusub,waxa ayna u rajeesay in uu ku raaxeesto waqtigiisa kooxda Liverpool.

Cabdi Shariif waa 18 jir dhashay 2001,waxa uuna ka ciyaaraa booska dhexe,waxa uuna sidoo kale ka midyahay xulka 18 jirada England.

Cabdi Shariif ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay hihsiiska cuusb ee kooxda Liverpool u saxiixay,waxa uuna sheegay in uu rajeenaayo waqtiga dhow in uu sii hormariyo heerkiisa ciyaaraha.

Tani waxaa soo dhaweeyay dhamaan bulshada Somaaliyeed ee xiiseeya ciyaaraha waxa ay Cabdi Shariif u rajeeyeen mustaqbal wanaagsan.

Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa   Soomaaliya, Shariif , waxana uu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda U18s xilligii uu joogay Akademiyada.

Wuxuu ciyaaray kulankiisii ​​ugu horeysay ee U23s ka dib markii uu ku soo biiray Neil Critchley bishii Janaayo, waxaana la filayaa inuu xilli ciyaareedka soo aadan ka ciyaaro Kirkby.

Shariifka wuxuu u muuqdaa mid door weyn ku leh kooxaha da ‘yarta ah ee Akademiyada, laakiin wuxuu isu arkaa inuu yahay ciyaaryahan khadka dhexe, muddo dheer.wax fiican samayn kara.

“Waxaan ahaa weeraryahan dhexe marka hore! Waxaan ciyaari jiray boosas badan tan iyo markii aan halkaan joogo, “ayuu yiri sannadkii hore.”Laakiin waxaan qabaa awoodda aan heysto iyo waxa la iigu barbardhigo – orodka iyo waxyaabo sidan oo kale ah – Waxaan dareemayaa inaan si fiican u ciyaaroi karo qadka dhexe ayuu yiri.

“Kubad qaabeeyaha aan doonayo inaan ciyaaro, laakiin hadii kooxdu u baahan tahay boos kale waa ciyaari karaa  ,waxa uu yiri. Mar walba waan heli karaa. ”

Warkaan ayaa imaanaya ka dib markii Liverpool ay soo dhameystirtay saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga iyagoo ku biiray Sepp van den Berg oo kaga yimid PEC Zwolle £ 1.3m.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button