Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Daawo: xulka kubadda cagta ee Madagascar oo gaaray guushiisii ugu horeesay taariikhda koobka Africa Cup.

Xulka kubadda cagta ee Madagascar ee ku cusub koobka Africa Cup ayaa caawa gaaray guushii ugu horeesay koobka Africa Taariikhda,ka dib markii uu 1-0 kaga badiyay xulka kubadda cagta ee Burundi ee ku cusub koobka.

kulankaan,wuxu ka tirsanaa Group B,waxa uuna ahaa mid aad u adag Burundi kulankii ugu horee waa laga soo badiyay,halka Madagascar bareejo soo gashay,

kulankaan wuuxu ka dhacay garoonka Alexandria Stadium ee dalka Masar,waxaana garsoore ka ahaa garsooraha lagu magacaabo Haythem Guirat eeka soo jeeda dalka Tunisia.

kulankaan,wuxuu ku bilaawday weerar iyo weerar celis,qaybtii hore waxa uu ku soo dhamaaday 0-0 oo ay labada xul isla dhaafi waayeen.

Markii dib la iskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka Burundi ayaa iskudayay in uu gaaro shabaqa,balse uma ayna u suuragalin.

 

labada dhinaca ayaa sameeyay dhowr iskuday oo kale ,balse ma ayna dhicin ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 1-0 uu ku badiyay xulka Madagascar.
Group B,waxaa xaqiijiyay xulka Nageria oo leh lix dhibcood laba kulan uu ciyaaray halka xulka Madagascar uu leeyahay afar dhibcood.
Burundi -0 halka Guinea uu leeyahay hal dhibic.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button