AFRICABreaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Xulka kubadda cagta Algeria oo u soo baxay wareegga Bug Baxda ee kooxda Africa Cup 2019.

Xulka kubadda cagta ee Algeria ayaa u soo baxay wareegga bug baxda ee koobka Africa Cup 2019,ka dib markii uu ka badiyay xulka Senegal oo ay ku wada jiraan group C.

kulankaan ayaa ahaa mid aad u adag labadaan xul ayaa horay u soo wada guuleestay,waxa uuna u lahaa kulankaan muhiimad weyn.

kulankaan,wuxuu ku soo dhamaaday 1-0 uu ku badiyay xulka Algeria,waxa ayna taasi ku xaqiijiyeen in ay soo gaareen wareegga xiga ee koobka.

kulankaan,waxa uu ku bilaawday si xooli ah xulka Senegal ayaa aad u kubad qurxaan,ayadoo xulka Algeria uu sameeyay iskuday kale.

Xulka Senegal.waxa ay kulankaan dib u helaan laacibka kooxda Livepool Mane oo kualnkii hore ganaax ku seegay.

Qaybtii hore ee ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 0-0,labada xul waxa ay si weyn u soo bandhigeen kubad xooga.

Markii dib la iskugu soo laabtay,waxaa halkii ka sii bilaawatay kubad jir xoogan ku dhisan,waxa ayan sameeyeen weeararo xoogan,ayadoo taasi  ka dhigneen mid xoogan.

 

Xulka Woqooyiga Africa ayaa helay goolka guusha bilaawgii qaybtii hore ee ciyaarta,waxaana u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Mohamed Youcef Belaili daqiiqadii 49-aad.

xulka Senegal ayaa dhowr iskuday sameeyay,balse ma ayna dhicin in ay la yimaadaan goolka guusha,taasina wax ay dhaawacday rajadoo wareegga xiga ee koobka.

Ugu dambeentii ciyarta waxa ay ku soo dhamaatay 1-0 uu ku badiya xulka Algeria,waxa ayna taasi ka dhigantahay in ay soo gaareen wareegga xiga ee koobka ayadoo labadii kulan ay ciyaareen ay la yimaadeen lix dhibcood,waxa ay wali heestaan kulank kale.

Group C,waxaa labaad ah xulka Senegal oo leh sedex dhibcood.ayadoo labada xul ee geeska Africa ee kala ah  Tanzania Kenya ay ku jiraan sedexaad iyo afaraad mana lahanw ax dhibco ah.

kulankaan waxa uu ka dhacay garoonka 30 June Stadium,waxaa garsoore ka ahaa garsooraha u dhashay dalka Zambia ee lagu magacaabo Janny Sikazwe (Zambia).

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • yy
Back to top button