Breaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Man United oo Inter Milan ka diiday dalab 4 milyan ginni ah oo ay ka soo gudbiyeen Romelu Lukaku

Manchester United ayaa diiday dalab 60 milyan euro ah oo ay Inter Milan ka soo gudbisay  weeraryahanka Romelu Lukaku.

Heshiiska ayaa hoos u dhigaya United oo qiimeyneysa 26 jirkaan heerka caalami ee dalka Belgian, kaasoo labo sano ka hor kaga soo biiray Everton aduun dhan  75 milyan ginni.

Lukaku ayaa seegay kulankii sabtida ee ay la ciyaareen Inter, taasoo tababare Antonio Conte ku celisay in weeraryahanka uu weli yahay bartilmaameedkiisa koowaad.

“Waxaan tixgelinayaa isaga ciyaaryahan aan horumarin karno kooxdeena,” ayuu yiri tababaraha Inter.

dhinaca  rajadeyda iyo rabitaankayga, dhanka kale kooxdeena waan arki doonaa waxa aan ka helno kooxda.

“Xaq uma lihin inaad ka hadasho ciyaaryahanka xilli ciyaareedkan, sababtoo ah waa ciyaaryahan Manchester United ah sababtuna waa inaan u muujinno ixtiraam weyn kooxda iyo waqti isku mid ah ciyaaryahan iyo ciyaartoydeyda.”

Jimcaha, Conte ayaa qirtay inuu isku dayay inuu la soo wareego Lukaku intii uu tababare ka ahaa Chelsea intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2018. “Waad ogtahay inaan jeclahay ciyaaryahankan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Heshiiska Inter ee udhaxeeya ciyaaryahanka reer Belgium ayaa la rumeysan yahay in ay keeni doonto bixitaanka  Mauro Icardi, kaasoo aan qayb ka ahayn safarka kooxdiisa ay ku joogto  Asi

Markii la weydiiyay weeraryahanka reer Argentina, Conte ayaa ku jawaabay: “Kooxda waxa ay si cad u cadeeysay in Icardi uu ka maqan yahay kooxda Inter, taasi waa xaqiiqda.”

Romelu Lukaku ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay United ku ciyaartay Australia sababo la xiriira dhaawacyo ka hor inta uusan sidoo kale seegi kulankii sabtida ee Singapore.

“Hadii aad tahay ciyaaryahan islamarkaana maaha in uu tababar ku qaato todobaad, waxaana uu seegay seddex kulan haatan waxaan qabaa inuu ka walwalsan yahay” ayuu yiri Solskjaer. “Waxa uu ka shaqeynayaa inuu garoonka ku soo laabto, isla markaana aan aragno mudada uu qaadanayo,dhaawaca anqawga.

“Waxaan qabaa inaan si fiican u shaqeynay Romelu laakiin dhamaanteen waan ognahay inuu ka mid yahay weeraryahanada ugu sareeya adduunka.”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button