Sawiro: kulan casho sharaf iyo dhiirigalin oo Astaan Sports u sameeyay Xulka Qaran Somalia oo bari u safri doono Djabouti .
Astaansports ayaa kulan casho sagootin ah Muqdisho ugu sameesay xulka kubada cagta Somaliya oo ka qaybgalaya Chan Cup 2019.
kulankaan oo ahaa mid dhiirigalin ah,waxaa goob joog ahaa ku simaha gudoomiyaha xiriirka Somaliyeed ee kubada cagta ahna gudoomiye ku xugeenka kowaad ee Cali Maxamed Cali Shiine.
Madax ka tirsan kooxaha kubada cagta ee ka jira dalka iyo sidoo kale Madax ka tirsan xiriirka Somaaliyeed ee kubada cagta.
kulankan,waxaa ugu horeen ka hadlay madaxa Wax soo saarka ee Astaan Maxamed Abdiwali Otaanga,wuxuu ku dheeraaday ka sheekeentay sedex sano ka hor marka ay shirka Asaan soo bilaawday dardargalinta ciayaraha iyo hormarinta dhalinyara,wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan howshaas adag ee bulshada u ahayaan.
Gudoomiyaha kooxda Dkedda Cabudllahi Faarax oo ku hadlaayay magaca dhamaan gudoomiyaasha kooxaha kubada cagta dalka ka jira ayaa sheegay in uu gudoomiyaasha kale kaga duwanyahay inuu marar badan u soo ciyaaray xulka qaranka,wuxuu ciyaaryahanada u jeediyay dardaaaran xoogan,asiga oo guul u rajeeyay.
Bashiir Harford oo ah tababaraha xulka qaranka Somaliya ayaa sheegay in uu safarkaan rajeenaayo in ay soo guuleestaan,islamarkaan dalka ku soo laabtaan,ayagoo soo wada guuleestay.
Dhiiragaliyay Nuur Jimcaale oo Cahada qayb ka ahaa ayaa ciyaaryahanada kula dardaarmay in ay ka dhisnaadaan dhanka iyo dishibiliinka,asiga oo guul u rajeeyay.
Ugu dambeentii waxaa Kulanka cashada soo xeray gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xiriirka Somaliyeed ee kubada cagta ahna ku simaha gudoomiyaha Cali Maxamed Cali Shiine,wuxu Astaan ugu mahad celiyay sida ay u kor ugu qaado ciyaaraha,wuxuu balan qaaday in ay sii xoojin doonaan xiirirka ka dhexeeya Astaan iyo xiriirka Somaliyeed ee kubada cagta,wuxuu cyaaryanahada u sheegay in looga baahanyahay in ay u dhinteen calanka xulka qaranka Somaliya.
Si walba xulka qaranka Somaliya ayaa dalka Jabuti marki ay gaaraan,ka dib waxa ay 22-ka bisha kulan saaxibtanimo la ciyaari doonaa xulka Jaburti,ka hor inta ay kulan ka tirsan koobka Chan ku wajihin xulka Ugandhan.
Sanadkaan,waxa ay leeyihiin rajo fiican,wax ay bilooyin ka hor lagu xareeyay garoonka jaamacadaha ee Muqdisho.