Lionel Messi: Weeraryahanka reer Argentina oo laga mamnuucay garoomada caalamiga ah muddo seddex bilood ah
Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ayaa laga mamnuucay ciyaaraha caalamiga ah muddo seddex bilood ah kadib markii uu sheegay in Copa America ay “musuqmaasuq” uu ka jiro.
Weeraryahanka Barcelona Messi, oo 32 jir ah, ayaa laga saaray ciyaartii Argentina ay 2-1 kaga badisay Chile ee kulankii kaalinta seddexaad ka dib wuxuu yiri “Koobka waxaa loo hibeeyay Brazil”.
Waxaa sidoo kale lagu ganaaxay $ 50,000 (£ 41,121) Conmebol, Confederation South America war ay soo saareen ayaa sidaasi lagu baahiyay.
Messi wuxuu heystaa toddobo maalmood inuu racfaan ka qaato go’aanka ka soo baxay xiririka Conmebol.
Mamnuucida ayaa ka dhigan in Messi uu seegi doono kulamada saaxiibtinimo ee Argentina ay la ciyaari doonto Chile, Mexico iyo Germany bilaha September iyo October.
Ololaha isreebreebka Argentina ee Koobka Adduunka ee 2022 ayaa bilaabanaya Maarso 2020.markaas ayaa Messi dib loo heli karaa.
Ka dib guuldaradii 2-0 ee ka soo gaartay Argentina martigaliyaasha Brazil, xiriirka kubada cagta Argentina ayaa ka cawday “qaladaad culus oo garsoorid ah”.
Isaga oo ka jawaabaya, xiririka Conmebol wuxuu sheegay in eedeymaha su’aal ka keenay daacadnimada Copa America “ay ahaayeen kuwo aan sal iyo raad toona lahayn” isla markaana ay dareemeen ixtiraam la’aan
Messi ayaa loo taagay kaarka cas daqiiqadii 37aad ee ciyaarta kulankii Chile, ka dib isku dhac dhexmaray Gary Medel, kaasoo isna garoonka laga saaray.
“Ma ahan inaan qeyb ka noqono musuqmaasuqaan,” ayuu yiri Messi. Waxay na tuseen tixgelin xushmad la’aan tartamada oo dhan.
“Nasiib darrose, musuq-maasuqa, garsoorayaasha, uma oggolaanayaan dadku inay ku raaxeystaan kubbadda cagta, waxoogaa ayay burburiyeen.