Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Man Utd oo ogolaatay heshiis 80 milyan ginni ah oo ay ku soo iibsanayso daafaca Leicester Harry Maguire

Manchester United ayaa heshiis la gaartay daafaca dambeedka dhexe ee reer England Harry Maguire kaasoo ka yimid kooxda Leicester aduun dhan 80 milyan ginni – waana lacag rikoorka adduunka ugu qaalisan daafac lagu iibsado.

26-sano jirkan ayaa la rajeynayaa inuu dhamaadka todobaadkan tijaabada caafimaadka u maro kooxda Man United.

Waxa uu noqonayaa saxiixii seddexaad ee United xagaagan ka dib Aaron Wan-Bissaka iyo Daniel James, oo ka kala yimid Crystal Palace iyo Swansea.

Brendan Rodgers ayaa yidhi: “Naadigu waxaay ku heshiiyeen lacag badan,waxaa jira shaqo kale oo ay u baahan  in laga gudbo.

Isaga oo la hadlaya Sky Sports, Tababaraha Leicester wuxuu intaa raaciyay: “Weli waxoogaa ayaa loo socdaa marka la fiiriyo caafimaadka Harry iyo wax kasta oo shaqsi ahaaneed oo la xalliyo, laakiin waa sida ay tahay.in uu hishiiska ku dhameestirmo.

Waa ciyaaryahan gaar ah, ma ahan ciyaaryahan  aan dooneynayay  inaan iibino,waana mid ka mid ah daafacayada ugu fiican dunida ayuu yiri tababare Tababaraha Leicester.

“Waa ciyaaryahan heer sarre ah, waa nin fiican sidoo kale waxkasta oo ku saabsan Harry xilligii loogu talagalay, wuxuu ogyahay inay xiiseyneyso UTD

Maguire ayaa u saftay kooxda Leicester 69 Premier League kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Hull City sanadkii 2017.

Heshiiska ayaa ah in Maguire uu noqdo daafaca ugu qaalisan adduunka, daafaca ugu qaalisan dunida,wuxuu  ku fadhiyay  £ 75m waana daafaca  Liverpool Virgil van Dijk oo ka yimid  kooxda Southampton bishii Janaayo 2018.

United ayaa muddo dheer xiiseyneysay Maguire laakiin waxay ka laabteen heshiiska 12 bilood ka hor sababtoo ah waxay dareensanaayeen in 70 milyan ginni ee loo baahan yahay in la soo gabagabeeyo saxiixiisa,markaas waxa ay u arkaayeen in ay tahay lacag xoogan.

Wuxuu heshiis shan sano ah qalinka ugu duugay Leicester bishii September ee lasoo dhaafay, tababare Brendan Rodgers ayaana cadeeyay dhamaadka xilli ciyaareedkii hore inuu dareemayo inuu Maguire horumar sameyn karo xitaa haddii uu kooxda kusii nagaado.

Maguire ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed ka bilaabay Sheffield United 2011, isagoo u saftay 139 horyaal Blades ka hor inta uusan ku soo biirin Hull sanadkii 2014.

Wuxuu qeyb ka ahaa kooxdii Hull ee ku guuleysatay Football League Championship play-offs: sanadkii 2016 laakiin wuxuu ku biiray Leicester heshiis 17 milyan oo ginni ah ka dib markii loo ogolaaday in uu baxo 12 bilood ka dib.

Daafaca ayaa kulankiisii ​​ugu horeysay u saftay England bishii Agoosto 2017 wuxuuna qeyb ka ahaa kooxdii soo gaartay semi-finalka Koobka Adduunka 2018 ee Russia.

Waxa uu ka mid noqanaya toddobada daafac dhexe ee ku United, isagoo kula  biiraya Victor Lindelof, Eric Bailly, Phil Jones, Chris Smalling, Marcos Rojo iyo Axel Tuanzebe.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button