Breaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Xulka kubada cagta Uganda oo mar kale guuldaro xanuun badan ku dhuftay xulka Somaliya.

Xulalka kala ah Uganda iyo Somaliya ayaa maanta wada ciyaaray lugta labaad isrebrebka koobka Chan cup 2020 ee lagu qaban doono dalka Cameroon.

kulankaan,wuxuu ka dhacay magaalada  Kampala ee dalka Uganda,kulankii hore ee ka dhacay dalka Jabuti,wuxuu ku soo dhamaaday 3-1 uu ku badiyay xulka Uganda.

kulanka maanta ka dhacay  Kampala,wuxuu ku soo dhamaaday 4-1 uu ku badiyay xulka Uganda,waxa uu ahaa kulan aad u adag.

kulankaan,waxa uu ku soo bilaawday si xoogan,waxaana inta badan la badalay shaxdii kulankii hore ee ka dhacay dalka Jabuti,waxaa kulankaan Somaliya hogaaminaayay kabtan Daa’uud Tubaal,waxaa sidoo kale la badalay goolhaye Mustaf,waxaa goosha ku soo bilaawday goolhayaha kooxda Dekedda Xasan.

xulka kubada cagta Somaliya hal ciyaaryahan ee lagu magacaabo  Kaddu ayaa dhaliyay goolasha loo yaqaano sedexleey,daqiiqadihii (3′, 43’, 48’ Kaddu, 36.

Xulka Uganda,waxaa goolka afaraad u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Kyambadde,.Somaliya,waxaa goolka kaliya ee kulankaan ka dhalisay u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Daa’uud Tubaal daqiiqadii 90-aad ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 4-1 uu ku badiyay xulka Uganda.

Isku geenta goolasha looga badiyay Somaliya waa 7-2  (7-2).

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button