Breaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

sidee ayey u muuqan doontaa shaxda kooxda Chelsea 2019/2020.

Chelsea waxa ay soo martay xilli kale oo isbeddelo ah laakiin waxa ay la micno tahay fursado cusub oo ay heli karaan ciyaartoy badan oo cusub
Sannad kale iyo  kacaan kale ayuu wajahaya Stamford Bridge iyada oo halyeeyga Frank Lampard la siiyay fursad qaali ah oo uu ku noqdo tababaraha cusub ee kooxda.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa sida caadiga ah doorta inuu qibrad leeyahay markii uu raadiyay  tababare cusub ku dhawaad sannad,Laakiin Lampard waa kiis qaas ah, iyadoo Blues ay raadineyso nidaam awood u leh inuu la tacaasho ganaaxa FIFA ee ku soo rogtay kooxda.

Xulashada Tifatirayaasha

Lampard ayaa si dhaqso leh loogala codsaday Derby County ,waxaa si cad u dalbatay kooxda  Chelsea ,waxa ay aad u doonayaan in ay ka faaideesteen da’diisa iyo jacaylka uu u qabo in uu hogaamiyo noqdo.

Christian Pulisic ayaa waxaa lagu soo iibsaday lacag dhan 58 milyan oo ginni,wuxuu ka yimid kooxda Borussia Dortmund ka dibna amaah ugu diray kooxda Jarmalka lixda bilood ee ugu dambeysay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay. Xiddiga reer Mareykan ayaa fure u noqon doona Chelsea xilli ciyaareedkaan iyadoo Eden Hazard uu kooxda ka baxay maadaama uu ahaa hogaamiyaha dhabta ah ee kooxda , Harzard ayaa ku baxay audun dhan  88 milyan ginni ah oo uu ugu biiray Real Madrid.

Blues ayaa u baahan inay bartaan dulqaadashada Lampard xilli ay raadinayaan inay ku tartamaan farqiga 20ka dhibcood ah iyo ka badan uu ahaa farqiga ugu dhexeeyay dhigooda  Manchester City iyo Liverpool xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha noqotee, qaar badan ayaa rajeyn doona saameyn degdeg ah maadaama galbeedka London ay tahay meel caado u ah guusha.

Goolhayeyaal

Ka dib markii uu noqday goolhayaha ugu qaalisan taariikhda kubada cagta, Kepa Arrizabalaga isla markiiba wuxuu ku noolaa nolal aana u qurux badneen marka la qiimeeyo xili ciyaareedkii ugu horeeyay.

Weli waa 24 jir, Kepa  wuxuuna si dhaqso leh uga caawiyay taageerayaasha sidii ay uga gudbi lahaayeen luminta Thibaut Courtois. Isagu waa lambarka 1aad oo aan wali la haynin halka Willy Caballero uu yahay ku xigeenkiisa.

Kepa Arrizabalaga Chelsea 2018-19

Caballero waxa uu ahaa mid si fiican ugutay shaqadiisa caadiga,balse waxaa soo wajahday mar dhacdo dhacday finalka Carabao Cup xilli ciyaareedkii hore ,ka dib markii ay u suuragali weesay bedel lagu keeni lahaay ciyaarta diidmo u sameeyay goolhayaha kowaad dartiis.

Goolhayaha saddexaad ee kooxda Chelsea Jamie Cumming ayaa saxiixay heshiis cusub oo afar sano ah ka hor xilli ciyaareedka cusub. 19 jirka ayaa bedelaya Rob Green, oo ciyaaraha ka fariistay xagaagii hore.

Difaacayaasha

Kurt Zouma ayaa ku soo laabtay kooxda waxaana uu isku dayay in uu dib ugu soo laabto shaxda  Stamford Bridge kadib laba xilli oo uu amaah ugu maqnaa kooxaha Stoke City iyo Everton.

Lampard wuxuu jecel yahay inuu adeegsado kubbadaha tooska ah ee dusha sare wuxuuna dalbadaa daafacyada dhexe ee dhaafi kara, sidaa darteed David Luiz ayay u badan tahay inuu ku bilaaban doono lammaanehiisa.

Kurt Zouma.

Ikhtiyaariyada kale ee badhtamaha daafaca ayaa ka imanaya labadaba Antonio Rudiger, kaas oo ka soo kabanaayo dhaawaca jilibka ka soo gaadhay xilli ciyaareedkii hore, iyo Andreas Christensen.

Cesar Azpilicueta ayaa u muuqda mid ku soo bilaaban kara garabka midig laakiin dooqa keydka ayaan wali cadeyn madaama Davide Zappacosta iyo Reece James ay labaduba ku ciyaari karaan doorkaas.

Ugu dambeyntiina, dagaalka loogu jiro daafaca dambeedka bidix ee Chelsea wuxuu kusii socdaa tartan u dhexeeya Emerson Palmieri iyo Marcos Alonso sidii hore weligeedba.

Ciyaartoyda khadka dhexe

Chelsea ayaa isticmaashay qaab 4-2-3-1 ah iyo 4-4-2 dheeman xilli ciyaareedkii hore iyadoo Lampard uu u muuqdo mid qarka u saaran inuu bedelo qorshihiisa. Tani waxay ka dhigan tahay isbedel weyn oo ka dhaca Stamford Bridge madaama Maurizio Sarri uu ahaa mid xeelad ahaan adag, kaliyana isticmaalaya nidaam 4-3-3 ah sanadkii uu kooxda joogay.

Labada xiddig ee qadka dhexe daafaca ka ciyaara ayaa lagu wadaa inay noqdaan isku dhafka N’Golo Kante, Jorginho iyo Mateo Kovacic. Nasiib darro, Kante wuxuu seegay wax badan xilli-ciyaareedkii ka hor, laakiin wuxuu muujinayaa sida cajaa’ibka leh ee qaab ciyaareedkiisii ​​Europa League uu u ahaa madaama uu ku ciyaaray duriin dhaawac jilibka ah. Kante ayaa 18 daqiiqo ciyaaray kulankii sabtidii ee ay la ciyaareen Borussia Monchengladbach.

Kovacic ayaa heshiis joogta ah ugala yimid Real Madrid sababa la xiriira isqabqabsi dhanka sharciyada xayiraadda suuqa kala iibsiga. Horay ayuu amaah ugu mid ahaa , sidaa darteed wuxuu awooday inuu sameeyo hishiis 40.5 milyan ginni oo aan loo eegin xukunka kooxd saaran.

Dhanka kale, waxaa jira dagaal aad u kulul oo ku socda lambarka 10aad ee Chelsea ee u dhexeeya Ross Barkley iyo Mason Mount. Barkley ayaa leh afar gool iyo seddex caawin xilli ciyaareedkii hore marka loo eego seddexda gool ee Mount.

Ross Barkley Chelsea 2019-20

Si kastaba ha noqotee, Mount wuxuu ciyaaray daqiiqado ka badan Barkley. Xulka doorka 10aad ayaa laga yabaa inuu Lampard u yeero wicitaankiisii ​​ugu adkaa ka hor kulanka axada.

Ruben Loftus-Cheek ayaa hadda cusbooneysiiyay qandaraaskiisa Blues isla markaana wuxuu tartan culus siin doonaa labada nin ee aan kor ku soo xusnay. Si kastaba ha noqotee, ka soo laabashadiisa suuxdinta jilibka ma aha mid dhow.

Weeraryahanno

Blues ayaa heysata fursado badan oo dhinacyo badan ah iyadoo Christian Pulisic iyo Pedro ay u muuqdaan inay ku bilaabayaan xilli ciyaareedka ayna  yihiin xulashooyinka dookha koowaad. Willian ayaa xilli dambe kasoo laabtay ka dib markii uu kula guuleystay Brazil Copa America xagaagii isagoo si muuqata uga dhex muuqday xilli ciyaareedkii hore.

Callum Hudson-Odoi ayaa qarka u saaran inuu cusbooneysiisto qandaraaskiisa laakiin lama filayo inuu ka soo laabto dhaawac jilibka ah oo soo gaaray illaa bartamihii September.

Tammy Abraham Chelsea

Lambarka 9-aad ayaa loo qorsheeyay inuu noqdo dagaal sedex geesood ah oo udhaxeeya Olivier Giroud iyo kan soo laabanaya ee Tammy Abraham iyo Michy Batshuayi. Numberka dhabta ah ee lambarka 9aad ayaa la siiyay Abraham, waxaana uu si aad ah u soo muuqday xilli ciyaareedkii hore ilaa iyo haatan.

Giroud, Batshuayi iyo Abraham ayaa dhamaantood leh min labo gool oo xilli ciyaareedkii hore ah. Abraham ayaa ciyaaray 301 daqiiqo, in kabadan labada kale, waxaana ay u badan tahay inuu ku soo bilaaban doono kulanka Man Utd.

Maamulaha

Sanadkii la soo dhaafay wuxuu ahaa xilli xasillooni darro laakiin halyeeyga Chelsea Lampard ayaa laga yaabaa inuu sii adkeeyo waxa ay u aheyd koox kala qeybsaneyd tababarayaasha ugu dambeeya aana lahayn sal fadhiya.

Wuxuu u soo ahaa halyeeyo isaga oo ay la joogaan shaqaalihiisa tababarka oo ay ka mid yihiin Petr Cech, Jody Morris iyo Eddie Newton. Waxay ku qaadan laheyd xiddig geesinimo leh inuu qaato Lampard, inkasta oo 41 jir uu yahay da’yar inta badan macalin u yahay koox lixda koox ah.

Maqaalka hoos ayuu ku socdaa

Waxaa jira shaki ah in Lampard aan qibradeysneyn uu la tartami karo  Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp ee ugu sareeya maamulka kubada cagta. Kaliya wuxuu koox soo  maamulay hal xilli ciyaareed waana kooxda  Derby waana tijaabo geesinimo leh dhammaan dadka ku nool galbeedka London waxa ay rajeenayaan guul.

Laakiin waxaa jirta rajo ah in Lampard uu ku garaaci karo koox kasta isagoo  xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee qandaraas seddex sanadood ah, la galay kooxda Chelsea,waxaa la filayaa in uu aamino inta badan ciyaaryahano  da’da yar ah.

Aragtida ah in la arko Lampard oo kor u qaadaya koob ahaan tababare ahaan ahaan waxa ay u noqon laheyd mid jaceyl u ah taageerayaasha Chelsea ka dib guushii weyneyd ee uu ka gaadhay kooxda isagoo ciyaaryahan ah.

Sida ay Chelsea garoonka u gali doontaa?

WARBINTAAN,WAXAA QORAY Nizaar Kinsella OO KA TIRSAN GOAL.COM

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button