Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Alisson: Goolhayaha Liverpool oo dhaawac kubka ah ku seegi doona finlaka Super Cup

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray Alisson inuu hoos u dhigay guushii 4-1 ee ay ka gaareen Norwich furitaanka Premier League xilli ciyaareedka cusub.

 

Laacibka reer Brazil ayaa dhibaatadan soo gaadhay isaga oo ciyaarta qayb ka ahaa  ilaa dhamaadkii qaybtii hore, waxaana uu haatan seegi doonaa kulanka todobaadka soo socda ee Super Cup-ka ay la ciyaari doonaan kooxda Chelsea ee ka dhici doonta Istanbul.

Klopp ayaa yidhi: “Waxay u muuqatay inay wax ku soo dhacayaan taasina maaha astaan ​​fiican.” “Diyaar uma ahan kulanka Arbacada.”ayuu yiri.

 

Kooxda caanka ah ee Liverpool ayaa garaacday Norwich kulankii furitaanka u ahaa Premier League

“bilaawgii qaybtii hore ee ciyaarta ayey Liverpool bandhig fiican ku soo bandhigtay garoonka  Anfield

Alisson wuxuu fure u ahaa Reds xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeysay, isagoo ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​Champions League isla markaana ay ku guuleystaan ​​kaalinta labaad ee Premier League.

 

26-sano jirkii hore ee Roma ayaa waxaa lagu badalay saxiixa cusub Adrian, oo si  xor ah xagaagaan ugu yimid kooxda West Ham.

 

Xiddiga reer Spain ayaa badbaadin weyn ka helay Moritz Leitner laakiin waxa uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 64aad markii Temmu Pukki uu kubad u dhex bixiyay .

Klopp ayaa intaa ku daray: “Adrian gabi ahaanba waa nin cajiib ah wuxuuna sameeyay wixii ay aheyd inuu sameeyo.

 

Goolhayaha dooqa saddexaad ee kooxda Liverpool Caoimhin Kelleher ayaa ka soo kabanaya qaliin yar ,ka dib markii uu ka jabay gacanta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button